Cadaado (Caasimadda Online) – Baarlamaanka Galmudug ayaa madaxeynaha cusub ee Galmudug u doortay Axmed Ducaale Geelle Xaaf kadib markii uu helay codad gaarayo ilaa 54 cod.
Madaxweynaha cusub oo ka hadlay xafladda doorashada kadib guushii uu gaaray ayaa ka dhawaajiyey inuu aad ugu faraxsan yahay inuu noqdo Madaxweynaha cusub ee Galmudug.
Wuxuu u mahadceliyey musharixiintii kale ee la tarmayey, sidoo kalana wuxuu u rajeeyey inay ku guuleystaan doorashooynka kale ee laga qaban doono Galmudug, isagoo ka codsaday inay la shaqeeyaan.
Wuxuu xusay inuu Galmudug ka qaadi doono booska liito oo ay kaga jirto maamul Goboleedyada dalka isla markaasna uu wax badan u qaban doono shacabka Galmudug.
Wuxuu intaas ku daray in Ciidamada maamulka Galmudug noocyadeeda kala duwan la siin doono mushaarkooda weliba si joogto ah, wuxuuna sheegay in qarashka la siinayo ciidamada laga soo saari doono dhulka Maamulka.
Ugu dambeyntii Xaaf ayaa dowladda Soomaaliya ka codsaday inay garab istaagtay Maamulka Galmudug isla markaasna aan la dayicin sidii markii hore dhacday sida uu hadalka u yiri.
Haddaba halkaan hoose ka dhageyso codka Madaxweynaha cusub ee Galmudug