27.1 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

Dhageyso: Xasan Sheekh oo ka cabsi qaba in looga baxo heshiiskii uu la galay…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa walaac ka muujiyay in la baal maraa hishiiskii uu la galay madaxda maamul goboleedyada dalka.

Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu sheegay in maamul goboleedyada muhiim tahay iney dhaqan geliyaan hishiis horey loo saxiixday, kaasi oo dhowr qodob ka koobnaa.

Inkastoo hishiis shacabka loosoo bandhigay uu jiray ayaa haddana waxaa jiray hishiisyo hoose oo ay wada galeen madaxweynaha iyo madaxda maamul goboleedyada qaar.

Xasan Sheikh Maxamuud ayaa dareemay in madaxda qaar ay ka baxayaan hishiisyadii horey uu ula galay madaxda maamul goboleedyada dalka.

Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday go’aanada ay soo saaraan gudiyada doorashooyinka dalka, isaga oo sheegay in la doonayo in la aqbalaa go’aanada gudiyada soo saaraan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News