26.6 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Dhageyso: Xildhibaannada Cabdi Weli: Xeelad cusub ayaan la imaan doonnaa

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa gelinkii dambe ee maanta soo saaray go’aan uu ku shaacinayo xiliga ay dib u bilaabanayaan kulammadii Baarlamaanka ee uu dhowaan Guddoonku hakiyey.

Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska guddoonka baarlamaanka ayaa shaaca ka qaaday in maalinta Talaadada ee soo socota oo ay taariiqdu tahay 2da bisha Diseembar la qaban doono kulanka gudagalka mooshinka kalsooni-kala-noqoshada Xukuumadda R/wasaare Cabdi wali Sh Axmed.

Hadaba wareysi aan la yeelanay Xildhibaan Bishaar Ugaas Ibrahim Ugaas Cali oo ka mid ah xildhibaanaddii ka soo horjeeday Mooshinka Ra’isul Wasaaraha ka dhanka ah, ayaa shaaca ka qaaday inay ogolaadeen mooshinka.

Si kastaba waxa uu sheegay inay bedeleen xeeladdii hore oo ay ku diidanaayeen mooshinka oo ay ahayd buuq iyo fowdo, ayna la yimaadeen xeelad cusub.

“Waan ogolnahay mooshinka, balse waxaan wax ka badalnay xeeladdii hore ee ahayd buuqa iyo dagaalka, waxaana in mooshinka uu yahay sharci darrada aan ku muujin doonnaa si kale” ayuu yiri Bashiir.

Hoos ka dhageyso Bashiir oo idaacadda VOA-da uga warramay xeeladda cusub.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News