26.3 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Dhageyso: Ximan iyo Xeeb: Wax lug ah kuma lihin dagaal beeleedyada socda

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa ka hadlay dagaalada ka dhacaya deegaano hoostaga gobolka Galgaduud, kaasi oo u dhaxeeyo maleeshiyaad kasoo jeeda gobolkaasi, kuwaasi oo isku qabtay dhul daaqsimeen.

Afhayeenka maamulka Ximan iyo Xeeb Careys Maxamed Xaaji, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dagaalka ka dhacay deegaanka ay ku dhaqan yihiin dadka reer miyiga ah, isagoo cadeeyay inay gacan weyn ka geysan doonaan sidii dadkaasi loo xalin lahaa dagaalkooda.

Afhayeenka wuxuu sidoo kale ka hadlay eedeyn loo jeediyay oo ku aadanaa inay ku lug lahaayeen weerarka u dhaxeeya maleeshiyo beeleedyada, kaasi oo sababay dhimasho iyo dhaawac badan.

Careys Maxamed Xaaji, wuxuu sheegay in maamulkooda oo kaashanaya maamulada ka dhisan gobolada dhexe ay waxbadan ka qaban doonaan dagaalka u dhaxeeya maleeshiyo beeleedka.

Dagaalka ayaa salka ku haya dhul daaqsimeed, waxaana ku dhintay inka badan 20 ruux iyadoo dhaawac intaasi kasii badan yahay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News