26.5 C
Mogadishu
Friday, June 20, 2025

Dhaliil laga Muujiyay qorshe Maamul Sameyn ah oo ka socda Beydhabo

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada online) Waxaa jira qorshe Lix gobol oo ka mid ah gobolada dalka Seddex ka mid ahna iminka maamul uu ka jiro lagu mideynayo si hal maamul loogu sameeyo , kaas oo ka soconaya magaalada Beyshabo ee xarunta gobolka Baay, inkastoo ay jiraan warar is qilaafsan oo arintaas kasoo baxaya.

Gobolada la isku biirinayo waxay kala yihiin Bay, Bakool, Sh/hoose, Jubada hoose, Jubada dhex iyo Gedo inkastoo gobolada Jubbooyinka iyo Gedo haatan uu ka jiro Maamul hoos yimaada Axmed Madoobe oo lagu magacaabo Maamulka Jubba hadana siyaasiyiin aan aqoonsan Maamulkaas ayaa howsha wada.

Qorshaha Mideynta goboladaas waxaa horboodaya Siyaasiyiin hore xilal kala duwan uga soo qabtay gobolada dalkeena Soomaaliya oo uu ka mid yahay Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo kuwo kale oo badan oo ku fikir ah isaga .

Suldaan Cabsi Casiis Daadbeyle, oo ka mid ah waxgaradka gobolada Jubbooyinka kasoo jeeda ayaa shirka Beydhabo ee lagu doonayo in maamul loogu sameeyo gobolo gaaraya ilaa lix gobol oo ka mid ah gobolada koonfur galbeed in maamul ay ku mideysanyihiin loo smaeeyp  wuxuu ku sheegay mid aan soconeyn.

Wuxuu sheegay in qorshahaas uu yahay mid aan looo dhameyn natiijo wanaagsana aysan kasoo bixi doonin maadaada sida uu shegay dowlada Soomaaliya ay aqoonsatay Mamulka gobolada Jubbooyinka iyo Gedo ee Jubba oo uu majaraha u hayo Axmed Madoobe.

Dowlada Soomaaliya ayaa aqoonsatay Maamulka Jubba ee Kismaayo ka arimiya kadib qilaaf  Soo jiitamayay in Muddo ah

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News