25.3 C
Mogadishu
Saturday, January 3, 2026

Muqdisho: Dhallinyaro xumaha Sheekh SHARIIF faafinaya oo…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa baryahaani danbe magaalada Muqdisho kusoo badanaaya dhalinyaro ay da’dooda u dhexeyso 15 ilaa 20 kuwaasi oo wadooyinka qaar magaalada Muqdisho ku faafisa xumaha Madaxweynihii hore ee Somalia Sheekh Shariif .

Dhalinyaradaani oo u muuqaal eg in hal xarun laga maamulo ayaa dadka uga sheekeeya dhacdooyin been abuur ah oo ay ka faafiyaan Sheekh Shariif.

Dhalinyaradaani ayaa qaarkood ka howlgala xarumaha Dowlada waxaana iminka loo adeegsadaa faafinta been abuurka, si dadka shacabka ah looga dhaadhiciyo warar aan sal iyo baar ku laheyn xaqiiqda.

Qaarkood ayaa dadka ku qasbaaya in la taageero Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh, halka qaarkoodna ay wadaan amaanta iyo suuq galinta Siyaasada Xassan Sheekh.

Dadka shacabka ah ayaa ku jahwareersan Siyaasadaha cusub oo ay dheeleyso DFS, gaar ahaan Xisbiga talada dalka looga danbeeyo.

Talaabadaane ayaa muujineysa in Ololaha doorasho uu durbaba ku bilowday qaabab khaldan oo xasarad ka dhex oogi kara Musharaxiinta xilka Madaxtinimo u taagan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News