Nairobi (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya dalka Kenya ayaa sheegaya in ay sii kordheyso xaalad halis ah oo ay dalkaas ku wajahayaan dhalinyaro Soomaaliyeed oo naftooda qatar ku gelinaya waddooyinka waa wayn ee Nairobi.
Sida uu sheegay safiirka Soomaaliya ee Kenya, Danjire Jibriil Ibraahim Cabdulle laba dhalinyaro Soomaali ah, isla markaana ahaa TikTokley ayaa ku dhintay magaalada Nairobi iyaga oo waddooyinka magaaladaas isaga duubayey muuqaallo, si ay usoo geliyaan barta TikTok.
Safiirka oo ka digay halistan ka taagan Kenya ayaa xusay in dhallinyaradaan ay si sharci darro ah u marayeen laamiga iyaga oo muuqaallo duubayana, sidaasna ay ku waayeen naftooda.
Dhimashooda ayaa timid kadib markii ay dhaceen gaadiidka waddooyinkaas isticmaala oo xawli ku socda, sida uu xaqiijiyay Danjire Jibriil Ibraahim Cabdulle.
“Dhallinyarada TikTok-ga isaga duuba magaalada Nairobi gaar ahan kuwa waddooyinka Sawirada iskaga qaada waxaa ku dhintay arrintaas 2 qof, Khatartaas waa mid dhaawici karta sumcadda Soomaalida” ayuu yiri, Safiirka Soomaaliya ee Kenya.
Dowladda Kenya ayaa dhawaan safaaradda Soomaaliya ee Nairobi u gudbisay dacwad ka dhan ah dhallinyaradan si wax ooga qabto, loona yareeyo halista ka imaan karta muuqaallada ay ku duubayaan waddooyinka.
Booliska Kenya ayaa sidoo kale bilaabay howlgal culus oo uu uga hortagayo dhalinyaradaas oo muuqaallada ay kusoo duubaan waddooyinka muhiimka ah ka dhigto (Challenge), si ay usoo geliyaa barahooda bulshada.
Waxaa kale oo uu Boolisku intaasi kusii daray in arrintan ay sababtay in ay sii kordheen shilalka iyo dhacdooyinka naxdinta leh oo ay ku dhinteen qaar kamid ah dhalinyarada halka kuwo kalena ay ku dhaawacmeen, iyaga oo markaa duubayay muuqaallo baraha bulshada ah.

