Dhallinyaro ku sugan degmo ka tirsan Muqdisho oo dil loogu hanjabay + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha degmada Kaaraan, Abshir Kaaraan ayaa digniin culus u diray dadka amni darada ka wada degmada, isaga oo sheegay inay xabsiga u taxaabeen dhalinyaro badan oo koox koox isugu xiran oo ciyaal weero ah, kuwaasi oo dhibaato ku hayay dadka deegaanka.

Guddoomiye Abshir ayaa sidoo kale sheegay in degmada aysan joogin Al-Shabaab, hase yeeshe ay jiraan Rag ayagu iska dhiga inay kooxdaas ka tirsasn yihiin oo baad ka qaada dadka.

“Ragga amni darada ka wada degmada ee Shabaab metalaya meesha ma joogo Shabaab ee waa isfahane ka qaatayaashii cida aan ku aragno waa dil toogasho ah, Maxkmadda ayaa horgeynayna eedeynta uu galay ayaa lagu fulinaya, wax uusan aheyn ayuu iska dhigay oo dhiig uusan baneysan karin ayuu baneystay,” ayuu yiri.

“Ragga Kaaraan ku nool ee la soo dhuumanaya jawaanada bastooladaha waxaa u naqaana ka qaatayaal, meelaha ay ku nool yihiin waa ognahay oo waa daba taaganahay, guryaha ayaa iskugu galeyna.”

Sidoo kale waxa uu waalidiinta degmada ka dalbaday inay ogaadan wiilashooda, si aysan hadhoo lama filaan ugu noqon marka ay soo qabtaan isaga oo ku jira falal ka dhan ah amniga.

“Cid walba ka fiirso oo cunugaaga ogow ka war hay oo cisho, berri marka aan soo qabano waa calaalaysa markaa waxaa leenahay Aabaha iyo Hooyada dhashay cunugaaga gacanta ka qabso oo hadda ka war hay.”

Ugu dambeyntiina waxa uu dadka deegaanka ka codsaday inay ka wada-shaqeeyaan amniga si meesha looga saaro falalka amni daro ee degmada Kaaraan, ayna iskaashi wada-shaqeyneed la yeeshaan maamulka iyo laamaha amniga.

Hadalkan ayaa imanaya xili ay degmada si weyn ugu soo bateen falalka amni darada iyo dhaca loo geysanayo shacabka, ayada oo dhowr jeerna howl-galo ay ciidamada amniga ka sameeyen degmada lagu sheegay in lagu soo qabtay tiro dad ah oo u badan dhalinyaro.