26.3 C
Mogadishu
Friday, November 14, 2025

Dhismaha Jubaland cusub oo lagu dhawaaqay kadib fashilkii wada-hadallada

Bookmark
Bookmarked

Share

Beledxaawo (Caasimada Online) – Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) ee gobolka Gedo, Cabdirashiid Janan ayaa maanta ku dhawaaqay dhismaha Jubbaland cusub, kadib kulan uu la yeeshay waxgaradka gobolkaasi.

Janan oo madasha hadal ka jeediyay ayaa sheegay in haatan wixii ka dambeeya ay guda gali doonaan dhismaha Jubbaland cusub oo aan ku xirneyn dalal shisheeye, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kae, wuxuu shacabka faray inay u diyaar garoobaan dhismaha maamulkaas oo uu tilmaamay inuu si toos ah ula shaqeyn doono Dawladda Federaalka Soomaaliya.

“Jubbada Hoose waxaa haysta Axmed Madoobe oo dowlad-diid ah, Jubbada-dhexe-na waxa joogta Al-Shabaab, Gedo oo xor ah ah waxaa DFS u samaynaysaa maamul ay u dhan yihiin reer Jubbaland oo ku xiran Xamar, aanna ku xirnayn Nairobi iyo Addis Ababa.” ayuu yiri Janan.

Tallaabadan ayaa kusoo aadeysa, iyada oo Dowladda Federaalka ay haatan go’aansatay in ay bilowdo dhismaha maamul cusub oo Jubaland ah oo xaruntiisu noqoneyso Garbahaarey, kaddib markii ay fashilmeen wada-hadalladii Kismaayo ee u dhexeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Fashilka ayaa yimid, kadib markii labada dhinac ay ku adkeysteen mowqifyadooda, isla markaana Madaxweyne Xasan uu dalbaday in Axmed ka laabto doorashadii uu ku yimid, halka Axmed Madoobe uu ku gows adeegay in marka hore la aqoonsado doorashadiisa.

Si kstaba, Kulamo isdaba joog ah oo shalay galab illaa xalay ka dhacay Villa Soomaaliya ayaa lagu go’aamiyay in la dhaqan geliyo qorshaha labaad ee dowladda (Plan B), kaas oo ah dhismaha maamul Jubaland ah oo leh sharciyad dowladeed.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulanka ka sheegay in arrinta Jubaland ay hadda si rasmi ah ugu taallo xukuumadda, isaga oo tilmaamay inuu yahay “oday” uun, halka talada dhabta ah lagu wareejiyay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.

- Advertisement -

Read more

Local News