Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka, Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar iyo wafdi ay horkaceysay oo kusii jeeday magaalada Garoowe ayaa maanta laga celiyay magaaladaasi oo xarun u ah Puntland.
Wararka ayaa sheegaya in diyaaraddii ay raaci laheyd Marwo Sacdiya kahor inta aysan ka dhoofin garoonka magaalada Muqdisho loo diiday inay u duusho magaalada Garoowe.
Wafdigan ayaa waxaa sidoo kale qayb ka ahaa Wasiirka Isgaadhsiinta Soomaaliya, Jaamac Xasan, Wasiiru-dowlaha Macdanta Maxamuud Mashruuc, xildhibaanno iyo siyaasiyiin kale oo dhammaantood kasoo jeeda deegaanada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.
Sida ay ogaatay Caasimada Online, madaxtooyada ayaa soo saartay amarka lagu celiyay diyaaraddan, ayada oo lagu wargeliyay in aysan soo qaadi karin Sacdiya iyo wafdigeeda.
Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka ujeedkooda uu ahaa inay ka qeyb gasho caleema saarka Suldaan Bashiir Suldaan Carab oo ah Suldaanka beesheeda, kaas oo lagu wado in beri lagu caleema saaro Garoowe.
Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ammaanka Puntland oo ku aadan arrintan. Sidoo kale Sacdiya dhankeeda kama hadlin is hortaagga lagu sameeyay.
Waa markii labaad oo haweeneydan laga celinayo Puntland, waxayna aheyd sanadkii hore markii laga soo celiyay garoonka magaalada Boosaaso, xilli ay gargaar u waday halkaasi, sababta ayaa Puntland waxay xilligaas ku sheegtay in aysan ku wargelin socdaalkeeda.
Is hortaagga lagu sameeyay wafdiga dowladda ee maanta laga celiyay Garoowe ayaa kusoo aadayo, xilli uu halkiisii yahay khilaafka dhexeeyo Puntland iyo dowladda dhexe.
Si kastaba, xildhibaan Sacdiya Yaasiin ayaa sido kale habeen hore kasoo muuqatay kulan ka dhacay hoyga ra’iisul wasaaraha, kaas oo looga hadlay xiisadda ka taagan Puntland.