26.6 C
Mogadishu
Friday, December 5, 2025

Dibadbaxyo rabshado wata oo sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka socda Boorama

Bookmark
Bookmarked

Share

Boorama (Caasimada Online) – Magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal waxaa xalay ka bilowday rabshado xooggan oo ka dhan ah go’aankii ay xukuumadda Somaliland ku fasaxday bandhigga xeer Ciise.

Bannaanbaxyo waaweyn oo looga soo horjeedo go’aankaasi, oo xalay soo bilowday ayaa illaa saaka ka socda magaalada Boorama, kuwaas oo haatan kusii fidaya magaalooyinka kale ee gobolka.

Shacab careysan ayaa xirtay waddooyinka halbowlayaasha ah ee magaalada, iyagoo gubay goobo uu kamid yahay bankiga dhexe, waxaana la maqlayaa dhawaaqa noocyada kala duwan ee hubka oo ay ciidamada boolisku u adeegsanayaan shacabka.

Inkasta oo aan tiro sugan la shaacin, haddana warar soo baxaya ayaa sheegayaa in ay dhinteen in ka badan 3 qof, halka dhaawacu uu kor u dhaafayo 10 ruux, waxaana la tilmaamaya in khasaaruhu intaas ka badan karo.

Sidoo kale, waxaa jira jabhad hubaysan oo ka dilaacday gobolka, taas oo ka dhan ah go’aanka ay xukuumadda Somaliland ku fasaxday bandhigga xeer Ciise, oo ay sheegtay in 14-ka December 2025 lagu qabanayo magaalada Saylac.

Xukuumadda Somaliland ayaa ciidamo dheeraad ah kusoo daadbineysa magaalada Boorama, halka dibadbaxayaashu ay sheegeen in aanay aqbali doonin in buugga lagu soo bandhigo magaalada Saylac.

Si kastaba ha ahaatee, xaaladda ayaa laga cabsi qabaa inay faraha kasii baxdo, ayna rabshaduhu isu beddelaan kacdoon looga go’ayo maamulka Somaliland, sidii hore uga dhacday magaalada Laascaanood oo haatan uu ka taliyo maamulka Woqooyi Bari.

Wixii kasoo kordha, kala soco Caasimada Online.

- Advertisement -

Read more

Local News