Brussels (Caasimada Online) – Jaaliyadda Digil iyo Mirifle ee ku dhaqan magaalada Brussels ee xarunta dalka Builgume ayaa halkaas waxa ay ka wadaan qaban qaabada dibad bax looga soo horjeedo madaxweynaha iyo wafdigiisa oo hadda ku sugan halkaas.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa u tagay Brussels ka qaybgalka shirka heshiiska cusub ee (New Deal) kaasoo ah qorshe ay dowladda Soomaaliya iyo beesha caalamka ay ku shaqeen karaan.
Kooxaha dibad-baxa ka abaabulaya ayaa ka soo horjeeda aqoonsiga dowladda Soomaaliya ay siisay maamulka Axmed Madoobe, waxaana lagu soo warramayaa in dibad-baxa uu ka dhici doono xarunta Midowga Yurub halkaasoo shirka New Deal uu ka dhacaayo.
Beelaha digil iyo mirifle ayaa ka soo horjeeda heshiiska dowladda dhexe ay la gaartay maamulka Axmed Madoobe ee Jubba.
Dhawaan waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay dibad bax looga soo horjeedo shirkii Addis Ababa, sidoo kale waxa ay ku dhawaaqayeen dadka dibad baxyay in ay ka goosan doonaan dowladda Soomaaliya haddii aysan ka laaban aqoonsiga ay siiyay Axmed Madoobe iyo maamulka Jubba.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho