29.9 C
Mogadishu
Wednesday, October 22, 2025

Digniin culus oo kasoo baxday BF Soomaaliya

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulankii caadiga ahaa oo maanta oo Arbaco ah ay lahaayeen xildhibaannada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa baaqday, iyada oo qorshuhu in golaha uu akhrinta labaad marsiiyo Hindise Sharciyeed ay usoo gudbisay Xukuumadda.

Kulanka ayaa u baaqday kooram la’aan, waxaana kaliya soo xaadiray illaa 123 Xildhibaan halkii laga rabay inuu ku furmo 139 Mudane, sida uu qabo xeerka Baarlamaanka.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo kulanka ka hadlay ayaa digniin adag u diray xildhibaannada maqan ee jooga Muqdisho, wuxuuna tilmaamay inay caqabad ku yihiin in ay horay u socoto shaqada Baarlamaanka Soomaaliya.

“Shaqo aad u culus ayaa noo taallo kalfadhigan waxaa rajeyneynaa waxyaalihii ugu muhiimsanaa oo horay nooga baaqday iyo waxa cusub ee lasoo gudbiyay in la dhaqaajiyo ayaa la rabaa, laakiin dadka qaar haddii ay shaqada u arkaan inay macno ku fadhin dhibaato ayay noqoneysaa” ayuu yiri gudoomiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in hadda kadib lala xisaabtami doono xildhibaannada ka maqnaada Baarlamaanka, isaga oo amray in la yeeriyo, si loo ogaado kuwa maqan.

“Waxaan rabaa xildhibaannada fasax la’aanta iska maqan si loo ogaado, marqaatina aad u noqotaan waxaan yeerineynaa magacyadooda, digniina waan u direynaa” ayuu sii raaciyay.

Intaasi kadib Habdhowraha Golaha Shacabka Maxamed Cabdullaahi (Nuux) ayaa kulanka ka akhriyay magacyada xildhibaannada maqan, iyada oo lala wadaagay shacabka.

Kulamada Baarlamaanka ayaa sida caadiga ah qabsooma maalmaha Sabtida, Isniinta iyo Arbacada, waxaana laga sugayaa golaha inay meel mariyaan shuruuc muhiim u ah dalka.

Fadhiyo hora oo ay lahaayeen xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa u baaqday kooram la’aan, waxaana ugu dambeeyay Sabtidii oo sidaan oo kale ay dhacday.

Baaqashada kulamamadan ayaa kusoo aadaya, xilli xasaasi ah ayna taagan tahay xiisad culus oo ka dhalatay hannaanka loo wajahayo doorashada dalka oo ay isku hayaan Dowladda Federaalka, Jubbaland, Puntland iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

Marka laga soo tego xiisaddan, waxaa Baarlamaanka Soomaaliya horyaalla shaqooyin adag oo ay ugu horreyso arrinta doorashada, maadaama laga sugayo shuruucdii lagu hagi lahaa

- Advertisement -

Read more

Local News