Digniin laga bixiyey arrin ka dhalan karta is-beddelka xulufo ee ay sameysay DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Isbahaysiyada amni ee sii kordhaya ee Soomaaliya la yeelaneyso dalal shisheeye ayaa lagu eedeeyay inay kicinayaan xasillooni-darro cusub oo ka taagan Geeska Afrika, sida lagu sheegay warbixin cusub oo ka digeysa in isbeddelladan ay hurinayaan dagaallo wakiil ah, ayna carqaladeynayaan dadaallada nabadeed ee gobolka.

Warbixinta, oo Talaadadii lagu daabacay Georgetown Journal of International Affairs ee Mareykanka, waxaa si wadajir ah u qoray Dr. Mercy Fekadu Mulugeta iyo Leulseged Girma. Waxay si qoto dheer u falanqeynayaan is-afgaradyo amni oo aan caadi ahayn, kuwaasoo la xiriira dekedo, aqoonsi dowladeed, iyo joogitaanka ciidamo shisheeye. Qodobbadan, ayay warbixintu leedahay, waxay beddelayaan xuduudaha siyaasadeed ee gobolka, waxayna kordhinayaan khatarta dagaal caalami ah oo ka dhex dhaca waddamada gobolka.

Soomaaliya ayaa lagu tilmaamay ciyaaryahan istiraatiiji ah oo doorkeeda cusub uu wax ka beddeli karo is-dheellitirnaanta awoodda ee gobolka.

Warbixintu waxay si gaar ah u tilmaantay heshiiskii is-afgarad ee dhex maray Itoobiya iyo Somaliland bishii Janaayo 2024. Heshiiskaas ayaa Itoobiya u ogolaanaya inay hesho 19 km oo xeeb ah, iyadoo beddelkeedana ay Somaliland heleeyso aqoonsi siyaasadeed. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga hor timid arrintan, iyadoo sheegtay in Somaliland weli tahay qayb suveran ah oo ka mid ah dhulkeeda. 

Isbahaysiyo cusub oo lid ku ah Itoobiya  

Iyadoo falcelin ka bixineysa heshiiska Itoobiya iyo Somaliland, Soomaaliya waxay xoojisay xiriirkeeda milatari iyo diblomaasiyadeed ee ay la leedahay Masar iyo Eritrea – dalal si taariikhi ah ugu muransan Itoobiya.

Gaar ahaan, Masar ayaa sannadkan 2025 u dirtay Soomaaliya taageero ciidan, taasoo dhalisay walaac ah in taageeradaasi aysan si toos ah ugu wajahneyn la dagaalanka argagixisada, balse ay tahay mid lagaga hor tagayo saameynta Itoobiya ku leedahay biyaha Nile.

“Ka hortagga Al-Shabaab ma aha sababta dhabta ah ee ka dambeysa iskaashiga Soomaaliya iyo Masar; Masar waxay si istiraatiiji ah u doonaysaa inay Itoobiya kaga hor timaado qorshaheeda horumarinta webiga Nile,” ayaa lagu yiri warbixinta.

“Isbahaysiga cusub ee ay Soomaaliya samaynayso wuxuu ka tarjumayaa xurguf ballaaran oo ka taagan gobolka,” ayay tiri Dr. Mercy Fekadu Mulugeta, oo ah bare sare ka tirsan Jaamacadda Addis Ababa iyo agaasimaha Xarunta ARUA ee Daraasaadka Bulshooyinka Kadib Colaadaha. “Waxyaabaha u muuqda inay yihiin siyaasado amni qaran, dhab ahaantii waa xeelado istiraatiiji ah oo la xiriira kala aragti duwanaansho gobolka oo dhan ah.”

Inkasta oo Soomaaliya iyo Itoobiya ay bishii Diseembar 2024 ku galeen wadahadallo nabadeed oo uu Turkigu garwadeen ka yahay – loona yaqaan Heshiiska Ankara – warbixintu waxay sheegtay in heshiiskaasi uu ahaa mid aan daahfurneyn, islamarkaana ay jiraan qodobo muhiim ah oo aan weli xal laga gaarin. Waxaa ka mid ah su’aasha ah in ciidamada Itoobiya ay sii ahaan doonaan qayb ka mid ah Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).

Qoraayaashu waxay carrabka ku adkeeyeen in ficillada Soomaaliya aysan ku dhicin go’doon. Gudaha dalka waxaa ka taagan dood culus, iyadoo qaar ka mid ah madaxda federaalka ay ku eedeeyeen Masar in ay Soomaaliya u adeegsato sidii aalad ku jirta dagaalkeeda istiraatiijiga ah ee ay la wado Itoobiya.

“Masar waxay dooneysaa inay naga dhigto laacib yar oo loogu adeegsanayo dagaalkooda weyn,” ayuu yiri wasiir ka tirsan dowladda federaalka, sida lagu xusay warbixinta.

Warbixintu waxay dhacdooyinkan gelisay xudunta khilaafka taariikhiga ah ee biyaha. Masar waxay muddo dheer ku adkeysaneysay ilaalinta heshiisyadii gumeysiga ee biyaha Nile, kuwaasoo si buuxda u hareer marsan Itoobiya. Itoobiya, dhankeeda, waxay heshiisyadaas ku tilmaantay kuwo duugoobay, waxayna dhistay biyo-xireenka weyn ee GERD si ay u hanato mustaqbalka tamarta dalka.

Dhaq-dhaqaaqa Soomaaliya — si ula kac ah ama si aan toos ahayn — wuxuu muujinayaa sida ay dawladaha wabiga hoose ku yaal ay si isa soo taraysa ugu lug yeelanayaan khilaafka biyaha ee u dhexeeya Masar iyo Itoobiya.

Nabad ilaalin lagu milay dano siyaasadeed

Qoraayaashu waxay sidoo kale ka digeen in hawlgalada nabad ilaalinta gobolka, sida AUSSOM, ay noqdeen aalado ay dalalka saameynta leh u adeegsadaan danahooda siyaasadeed. Soomaaliya ayaa horey uga hor timid ka qaybgalka ciidamada Itoobiya ee AUSSOM, iyadoo ku dooday in ay jirto iskahorimaad danaha Itoobiya ee Somaliland la xiriira.

“Hawlgalada nabad ilaalinta waxaa si xad dhaaf ah ugu adeegsanaya dowlado doonaya inay gaaraan yoolal istiraatiiji ah oo siyaasadeed,” ayuu yiri Leulseged Girma, oo ah falanqeeye siyaasadeed oo ku takhasusay Geeska Afrika iyo mid ka mid ah qorayaasha warbixinta. “Arrintaasi waxay dhaawac u geysaneysaa xasilloonida Soomaaliya iyo kalsoonida nidaamka nabad ilaalinta caalamiga ah.”

Warbixintu waxay sheegtay in haddii Itoobiya si rasmi ah u aqoonsato Somaliland, tallaabadaasi ay yeelan doonto cawaaqib fog oo ka baxsan Muqdisho oo kaliya. Waxay abuuri kartaa xiisado cusub, dhiirrigelin kartaa dhaqdhaqaaqyo gooni-u-goosad ah oo kale, isla markaana beddeli kartaa isbahaysiyada marin-biyoodka Badda Cas.

Somaliland, oo ku dhawaaqday madax-bannaani 1991, wali ma helin aqoonsi caalami ah. Warbixintu waxay ugu baaqday Midowga Afrika iyo hay’adaha caalamiga ah inay dib u eegaan Warbixintii 2005 ee Guddiga Xaqiiqo Raadinta, ayna horumariyaan hab-raacyo caddaan ah oo lagu maareynayo xaaladda sharci iyo siyaasadeed ee dhulalka aan la aqoonsan.

Warbixintu waxay xustay in Soomaaliya ay xiriir diblomaasiyadeed ka raadineyso meelo ka baxsan saaxiibbadeedii hore. Waxaa si gaar ah loo tilmaamay in Muqdisho ay dooneyso iskaashi cusub oo ay la yeelato dalal ay ka mid yihiin Turkiga, Azerbaijan, iyo Tansaaniya – taasoo muujinaysa dadaal ay ku raadineyso taageero ay ka hesho xulafayaal cusub oo caalami ah.

Isla markaana, Geeska Afrika wuxuu noqday meel ay ku sii qulqulayaan quwadaha waaweyn. Dalalka sida Imaaraadka, Shiinaha, Ruushka iyo Turkiga ayaa si isa soo taraysa u ballaarinaya joogitaankooda gobolka iyagoo dhisaya dekedo, mashaariic horumarineed, iyo saldhigyo ciidan — taasoo sii adkaynaysa xal u helista khilaafaadka gudaha iyo kuwa gobolka.

Si looga hortago xiisadaha sii kordhaya, warbixintu waxay ugu baaqday BRICS, Midowga Afrika, iyo IGAD inay si degdeg ah u dhexgalaan. Waxay sidoo kale ku baaqday in si dhaqso ah loo dhexdhexaadiyo Masar iyo Itoobiya khilaafkooda biyaha Nile, iyo in la xoojiyo kormeerka iyo isla xisaabtanka hawlgalada nabad ilaalinta.

“Ahmiyadda istiraatiijiga ah ee Soomaaliya lama dafiri karo,” ayaa lagu soo gunaanaday warbixinta. “Laakiin haddii aysan jirin dadaal diblomaasiyadeed oo mideysan oo ka yimaada dalalka gobolka iyo kuwa caalamka, Soomaaliya waxay halis ugu jirtaa inay noqoto goob lagu hardamo oo colaado wakiil ah lagu furo – taasoo halis gelin karta xasilloonida guud ee Geeska Afrika.”