27.9 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Nugaal: Dad nolol iyo geeri lagu la’ yahay kadib roobab xoogan

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Garowe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Nugaal ayaa sheegaya in gobolkaasi ay ka dhaceen daadad iyo roobab xoogan.

Digniin ku aadan in dadka ka fogaadaan goobaha xeebaha iyo biyo fariisad ayaa muuqata iney dhacday, waxaana shalay laga digay in maanta iyo Tallaadada beri roobab dabeylo wata ka da’ayaan deegaanada Nugaal.

Ilaa iyo afar ruux ayaa nolol iyo geeri lagu weysan yahay, waxaana la xaqiijiyay dhimashada ku dhawaad labo ruux oo daadadka ay qaadeen.

Roobab xoogan ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka da’ay gobolka Nugaal, waxaana ay sababeen daadad iyo biyo badan oo dad badan ku waxyeeleeyay TOGAGA qaarkood.

Dadka deegaanka Garmaal oo ku dhaw togga  Suuj ayaa sheegay in ay biyo xoog badan badda ku darsamayaan.

La soco waxii kusoo kordhaa insha allah

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News