25.5 C
Mogadishu
Tuesday, December 30, 2025

Diidmada aqoonsiga Israel ee Somaliland oo xoogeystay

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa sii xoogeysanaysa diidmada adag ee dalalka caalamka iyo ururradu uga hor imanayaan xad-gudubka Israa’iil, taas oo sheegtay inay aqoonsatay maamulka Somaliland.

Madaxweynaha Midowga Baarlamaanada Carabta, Mudane Ibraahim Boughaali ayaa si cad u muujiyey diidmadiisa ku aaddan tallaabo kasta oo hal-dhinac ah oo loogu xad-gudbayo madaxbannaanida, midnimada dhuleed iyo xasilloonida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Midowga Baarlamaanada Carabta ayaa adkeeyey in Soomaaliya ay tahay dal madax-bannaan oo leh xaq buuxa oo ku aaddan ilaalinta dhulkeeda, amnigeeda iyo go’aanadeeda siyaasadeed, iyadoo la tixraacayo mabaadi’da Axdiga Qaramada Midoobay ee mamnuucaya faragelinta arrimaha gudaha dalalka.

Midowgu wuxuu sidoo kale cambaareeyey tallaabo kasta oo lagu wiiqayo madaxbannaanida Soomaaliya ama lagu carqaladeynayo xasilloonida gobolka Carabta iyo Afrika, isagoo caddeeyey in amniga Soomaaliya uu si toos ah ula xiriiro amniga guud ee Gobolka.

Ugu dambayntiina, Midowga Baarlamaanada Carabta wuxuu mar kale xaqiijiyey taageeradiisa buuxda ee shacabka iyo dowladda Soomaaliya, isaga oo ugu baaqay dhammaan dhinacyada ay khusayso inay ixtiraamaan madaxbannaanida, midnimada dhuleed iyo xasilloonida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Israa’iil ayaa 26-kii December 2025, ku dhawaaqday inay Somaliland u aqoonsatay “dowlad madax-bannaan oo leh qarannimo buuxda,” iyadoo xiriir diblomaasiyadeed la samaysatay. Tani ayaa ka dhigtay Israa’iil dalkii ugu horreeyay ee tallaabadaas ku dhiirrada tan iyo markii Somaliland ay ku dhawaaqday gooni-isu-taagga sannadkii 1991-kii.

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa aqoonsigan ku tilmaamay tallaabo diblomaasiyadeed oo horumar leh, wuxuuna ku xiray qorshaha ballaaran ee caadiyeynta xiriirka gobolka ee loo yaqaan Abraham Accords.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u diiday go’aankaas, iyadoo ku tilmaamtay xadgudub sharci-darro ah iyo daandaansi ka dhan ah madax-bannaanida Soomaaliya. Dowladda ayaa wacad ku martay inay jawaab ka bixin doonto iyadoo adeegsanaysa dhammaan marinnada diblomaasiyadeed, kuwa siyaasadeed iyo sharciga caalamiga ah.

Sidoo kale, bayaan kasoo baxay Mareykanka ayaa si cad u muujiyay in Washington ay garab taagan tahay Muqdisho iyo ururrada waaweyn ee gobolka, kuwaas oo muddo dheer taageersanaa ilaalinta xuduudaha caalamiga ah ee Soomaaliya.

Isbaheysi ballaaran oo ka kooban dalal iyo ururro Carbeed, Islaam iyo Afrikaan ah ayaa soo saaray war-murtiyeed wadajir ah oo ay ku diiddan yihiin aqoonsiga Israa’iil.

Sida lagu xusay qoraal ay faafisay mid ka mid ah wasaaradaha arrimaha dibadda ee saxiixay bayaanka, dalalkan ayaa ka digay “cawaaqib-xumo halis ah” oo ka dhalan karta tallaabadaas, taasoo khatar ku ah nabadda iyo amniga Geeska Afrika iyo gobolka Badda Cas.

Bayaankaas ayaa sidoo kale si adag u diiday tallaabo kasta oo lagu doonayo in si qasab ah lagu barakiciyo Falastiiniyiinta, taasoo ka tarjumaysa dareenka guud ee gobolka ee ku aaddan qorshayaal bilihii lasoo dhaafay la hadal-hayay oo ku saabsan in shacabka Gaza loo raro dhul ka baxsan dalkooda.

- Advertisement -

Read more

Local News