29 C
Mogadishu
Tuesday, April 21, 2026

Dil argagax leh oo maanta ka dhacay Muqdisho + Sababta

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helaya dil argagax leh oo barqanimadii maanta ka dhacay duleedka Muqdisho, kaas loo gaystay mid kamid darawalada ka shaqeeya gaadiidka isaga kala goosha Muqdisho iyo gobollada dhexe.

Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Carabow Cali Yoolif ayaa wade ka ahaa gaari Layla Calaawi ah, waxaana lagu dilay barkoontarol ku taalla halka loo yaqaano Sheekh Cali Cabdulle oo ka tirsan degmada Gubadley ee gobolka Banaadir.

Mid kamid ah ehellada marxuumka oo lagu magacaabo Cabdicasiis ayaa ka warbixiyay sida ay wax u dhaceen, waxaana uu Telefishinka SMS u sheegay in marxuumka uu dilay askari ka tirsan ciidanka Boolis Milataaro oo ku sugan koontaroolka uu dilku ka dhacay.

“Walaal waxaan kaala hadlayaa meel ay ku kala baxaan degmooyinka Kaaraan iyo Gubadley oo la yiraadho Sheekh Cali Cabdulle oo ay joogaan ciidanka la yiraahdo Boolis Milataaro meeshaas ayuu askari ku dlay wiil aan ilmo adeer nahay” ayuu yiri Cabdicasiis.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in maxuumka loo dilay hal dollar dartiis oo uu waydiisatay taliyaha ciidanka xukumayay oo uu si gaar ah ugu eedeeyay toogashada.

“Walaalkey wuxuu ahaa darawal kaxeeya gaadiidka u kala goosha gobollada dhexe iyo magaalada Muqdisho, shaqadiisa caadiga ah ayuu iska watay lacag ayay waydiisteen nimanka oo hal dollar ayay u dileen marxuumka” ayuu mar kale yiri Cabdicasiis.

Waxaa kale oo uu hoosta ka xariiqay in marxuumka uu ahaa Aabe u shaqeysanayay carruurtiisa iyo qoyskiisa, isla markaana ay ka naxeen dilka argagaxa leh ee loo gaystay.

“Dareenkeenna aad ayaa u murugeysanahay dhibaato badan ayaa na haysato askartii loogu talagalay inay ammaanka ilaaliyaan inay wax ka yar 30 kun oo shilin Soomaali ah u dilaan qof dhan oo reer mas’uul ka ah, waddankiisana ka shaqeysanayay”.

Ugu dambeyn wuxuu farriin u diray dowladda Soomaaliya oo uu ka codsaday inay soo qabato eedeysanaha si cadaaladda loo horkeeno askariga dilka gaysatay oo baxsaday.

Dilkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo bilooyinkii lasoo dhaafay laga nastay dilalka ay askarta ka gaysato gudaha caasimada, kuwaas oo mar ahaa joogto ama kuwa soo laa laabta, balse hadda yaraaday, kadib tallaabooyin dheeraad ah oo ay qaadan dowladda Soomaaliyeed.

- Advertisement -

Read more

Local News