26.1 C
Mogadishu
Monday, December 29, 2025

Dil caawa ka dhacay Muqdisho iyo Booliska oo tallaabo deg-deg ah qaaday

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil qorsheysan oo caawa ka dhacay qaybo kamid ah degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, kadib markii askari ka tirsan ciidamada dowladda uu qof shacab ah ku dilay degmadaasi.

Dilka ayaa si gaar ah uga dhacay xaafadda Oodweyne, waxaana loo gaystay marxuum lagu mgacaabi jiray marxuum Cabdullaahi Maxamed Muuse, kadib muran soo kala dhexgalay.

Ciidamada Booliska Soomaaliya oo qaaday tallaabo deg-deg ah ayaa isla markiiba gacanta kusoo dhigay eedeysanihii dilka gaystay oo lagu mgacaabo Axmed Cadaawe Cali, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

“Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, saldhigga degmada Dayniile, ayaa gacanta ku dhigay eedeysane Dable Axmed Cadaawe Cali, oo ku eedeysan inuu degmada Dayniile waaxda Odwayne, ku dilay marxuum Cabdullaahi Maxamed Muuse, kadib muran soo kala dhexgalay” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Booliska.

Sidoo kale, Booliska ayaa intaas ku daray in dambiilaha la horgeyn doono cadaaladda, si looga qaado tallaabo sharciga waafaqsan.

“Eedeysanaha ayaa ku jira gacanta Booliska, waxaana loo gudbin doonaa maxkamadda ku shaqada leh” ayaa lasii raaciyay qoraalka.

Dayniile ayaa waxaa badanaa ka dhaca dilal iyo dhac ay gaysanayaan askar iyo burcad inta badan lagu arko xaafadaha degmadaasi, waxaana dhawaan koox isku xiran oo laga soo qabtay degmadan la horgeeyay Maxkamadda Ciidamada oo xukunno adag ku ridday

 

- Advertisement -

Read more

Local News