29.9 C
Mogadishu
Tuesday, November 11, 2025

Dil ka dhacay Hargeysa iyo booliska oo war kasoo saaray

Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil xalay degmada Axmed Dhagax ee magaalada Hargeysa.

Dilkan ayaa waxaa loo geystay Marxuum Maxamed Baashe Xasan, iyadoo goobta uu ka baxsaday eedaysanaha falka geystay, sida uu sheegay taliska ciidanka booliska Somaliland

Ciidamada Booliska Somaliland oo qoraal kasoo saaray dilkaan ayaa sheegay inuu sameeyay howl-gal degdeg ah, isla markaana uu gacanta kusoo dhigay dad badan oo lagu tuhmayo in ay ku lug lahaayeen falkaasi.

Waxaa hadda socda baaritaan dheeraad ah, wuxuuna boolisku sheegay in natiijadiisa baarista marka ay dhamaato la wadaagi doonaa bulshada.

Ciidanka booliska Somaliland ayaa waxay dadweynaha ka codsadeen in cid kasta oo haysa xog, warbixin ama tuhun la xidhiidha eedaysanaha, ay si deg-deg ah ula soo xiriiraan saldhigga booliska ee ugu dhow.

Bilihii u dambeeyay waxaa caasimadda Somaliland ee magaalada Hargeysa kusoo badanayay kiisaska dilalka, iyadoo dilalkan loo adeegsaday bastoolado, tooriyo iyo agab kale. Waxaa ugu cuslaa dil dhacay 20-kii August goor habeennimo ah bartamaha magaalada Hargeysa, kaas oo nin hubeysan uu ku toogtay laba qof.

Waxaa xusid mudan in Booliska Somaliland ay dadaal badan geliyeen soo qabashada gacan ku dhiiglayaasha, kuwaasoo badankood la qabtay, marka laga reebo gacan ku dhiiglaha bartamaha suuqa ku toogtay labada wiil, oo illaa hadda aan gacanta lagu soo dhigin.

Dilkaas oo ahaa mid qorsheysan, gacan ku dhiiglaha markii uu falka geystay, isla markiiba wuu ka baxsaday goobta. Hargeysa oo kamid ahayd magaalooyinka Soomaaliyeed ee ugu nabdoon ayaa haatan wajahaysa dilal qorsheysan.

- Advertisement -

Read more

Local News