25.6 C
Mogadishu
Thursday, October 23, 2025

Dil kale oo xalay ka dhacay magaalada Hargeysa iyo booliska oo war ka soo saaray

Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online) – Faah-faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa dil xalay ka dhacay magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland, xilli toddobaadyadii la soo dhaafay ay magaalada kusoo badanayeen dilalka qorsheysan.

Dilkan oo ka dhacay degmada Macallin Haaruun ee magaalada Hargeysa ayaa loo geystay Maxamed Saleebaan Quule, wuxuuna dhacay xilli saqdhexe ah, sida ay inoo sheegeen dadka deegaanka.

Marxuumka ayaa ahaa ilaaliye dhisme ka socday halkaasi, lamana oga sababta ka dambeysa dilkiisa.

Taliska Booliska Somaliland oo war kasoo saaray dilkan ayaa sheegay in ciidamadu si degdeg ah uga hawl-galeen kiiska markii lagu soo wargeliyay.

“Waxaan ku jirnaa baadhitaan dheeraad ah, wixii kasoo baxana waxaanu la wadaagi doonaa bulshada,” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay Taliska Booliska Somaliland.

Boolisku waxa ay shacabka ka codsadeen in ay la wadaagaan cid kasta oo haysta xog dheeraad ah. “Waxaan ku boorinaynaa bulshada Somaliland in ay xogaha rasmiga ah ka sugaan Ciidanka Booliska JSL,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay taliska.

Toddobaadyadii u dambeeyay waxaa caasimadda kusoo badanayay kiisaska dilalka, iyadoo dilalkan loo adeegsaday bastoolado, tooriyo iyo agab kale. Waxaa ugu cuslaa dil dhacay 20-kii bishaan goor habeennimo ah bartamaha magaalada Hargeysa, kaas oo nin hubeysan uu ku toogtay laba qof.

Waxaa xusid mudan in Booliska Somaliland ay dadaal badan geliyeen soo qabashada gacan ku dhiiglayaasha, kuwaasoo badankood la qabtay, marka laga reebo gacan ku dhiiglaha bartamaha suuqa ku toogtay labada wiil.

Dilkaas oo ahaa mid qorsheysan, gacan ku dhiiglaha markii uu falka geystay, isla markiiba wuu ka baxsaday goobta. Hargeysa oo kamid ahayd magaalooyinka Soomaaliyeed ee ugu nabdoon ayaa haatan wajahaysa dilal qorsheysan.

- Advertisement -

Read more

Local News