Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa dhawaan shaacisay inay duqeyn ka dhacday gobolka Sanaag ay ku dishay nin gacan saar la lahaa kooxda Al-Shabaab. Duqeyntaas ayaa lagu dilay Caaqil Cumar Cabdillaahi Cabdi, iyadoo maamulka gobolka Sanaag uu maanta si adag uga horyimid eedeynta Mareykanka.
Madaxda sare ee ciidamada, booliska, nabad-sugidda iyo maamulka gobolka Sanaag ayaa dilka Caaqilka ku tilmaamay mid xaq-darro ah oo aan wax sal iyo raad lahayn.
Tan ayaa Mareykanka lugaha u gelinaysa fadeexad hor leh, oo la xiriirta sax ahaanshaha xogaha uu ku fuliyo duqeymaha cirka ee gudaha Soomaaliya. Waxa uuna inta badan shaaciya in duqeymihiisa ku bartilmaameedsado xubno ka tirsan kooxaha argagixisada ama kuwa xiriir la leh, balse inta badana masoo bandhigo cadeymo muujinaya sheegashadiisa.
Caaqil Cumar oo ka mid ahaa nabadoonnada ugu waaweyn ee gobolka Sanaag ayaa waxaa 13-kii September 2025 lagu dilay deegaanka Jicanyo, oo ku dhow degmada Ceelbuh. Caaqilka ayaa markaas kusii jeeday degmada Badhan.
Inkastoo taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) uusan shaacin magaca qofka uu ku dilay duqeynta, haddana goobta iyo waqtiga duqeyntu ay dhacday ayaa si buuxda ugu beegan halka lagu dilay Caaqil Cumar Cabdillaahi, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta gobolka Sanaag.
AFRICOM ayaa sheegay in uu bartilmaameedsaday shaqsi ka mid ahaa ganacsatada hubka ee kooxda Al-Shabaab, taas oo dhab ahaanshaheeda ay si adag u diideen maamulka gobolka Sanaag oo la hadlay warbaahinta.
Taliyaha qeybta 9-aad ee ciidamada Daraawiishta gobollada Sanaag iyo Hayland ee Puntland, Sareeyo-guuto Cabdillaahi Cumar Canshuur ayaa sheegay in uu si fiican u garanayay Caaqilka, isla markaana uu kamid ahaa shaqsiyaadkii sida adag ula dagaalamay kooxda Al-Shabaab.
“Waxaan aqoon isku laheyn Caaqil Cumar muddo dheer oo aan kasoo wada shaqeynay dhinca badda ilaa 80-meeyadii. Wuxuu ahaa nabad doon aad looga yaqaanay deegaanka. Waxaan ku ogeyn inuu ka shaqeeyo arrimaha bulshada, wuxuu kamid ahaa ragii 1992 la dagaalamay Al-Shabaab, hadda wuxuu difaac kula jira Puntland dagaalka hadda socda ee ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Daacish,” ayuu yiri taliye Canshuur.
Waxa uu intaas kusii daray “Beesha ugu dhimashada badan dagaalka lagula jiro kooxahaasi ayuu nabad doon u ahaa. Ciidanka dhimanayay wuxuu ahaa nabadoonkooda. Caaqilkaasi waxaa lagu dilay sifo sharci darro ah oo xaq darro ah.”
Taliyaha ayaa shaaciyay in muddo ku dhow bil uu Caaqilka magaalada Boosaaso la joogay Madaxweyne Saciid Deni.”Hadii uu dambiile ahaa waa la qaban lahaa, oo hadii anaga naloo sheegi lahaa waan qaban lahayn. Waxaan u arkaa in si ku tala-gal ah loo dilay,” ayuu yiri taliyaha.
“Keligiis ayuu gaariga watay markii la dilayay. Duqeyntaasi waxay dhalisay buuq, kacdoon iyo amni darro oo deegaanka soo wajahday. Waxaan jecelnahay in naloo soo cadeeyo sababta dilkiisa,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay taliye Canshuur.
Diidmada madaxda amniga iyo maamulka gobolka Sanaag ayaa imaneysa xilli dibadbaxyo iyo kulamo isdaba joog ah ay ka socdaan gobolka iyo sidoo kale deegaano ka tirsan Puntland.
Madaxda iyo ehellada marxuumka ayaa dalbanaya caddeymo iyo faah-faahin ku saabsan sababta dilka Caaqilka, iyagoo ku baaqay in dowladda Mareykanka ay si cad uga jawaabto dhacdadan.
Ehellada Caaqilka ayaa horey u sheegay in uusan wax xiriir ah la laheyn kooxaha argagixisada, iyagoo dalbaday in loo caddeeyo sababta loo beegsaday caaqilka.
“Lafaha Caaqilka oo keli ah ayaan haynaa, cid kalena lama socon, weligiina xidhiidh lama yeelan kooxaha la raadinayo. Dowladda Puntland ayaan war cad ka sugeynaa,” ayuu yiri Cali Cabdullaahi Cabdi oo la dhashay marxuumka.
Dhacdadani waxay dhalisay isweydiin badan oo ku saabsan sababta gaariga caaqilka loo bartilmaameedsaday, maadaama mas’uuliyiinta amniga deegaanka iyo ehelkiisa ay sheegeen in uusan xiriir la lahayn kooxaha argagixisada.

