Medellin (Caasimada Online) – Warbaahinta dalka Baraziil ayaa baahisay inay Diyaarad ay la socdeen Ciyaaryahano caan ah oo kasoo jeeda dalkaasi ay ku dhacday magaalada Medellin ee dalka Columbia.
Diyaaradani siday ciyaartooyda ayaa kasoo duushay garoon ku yaalla Bolivia waxa ayna kusii dhaweyd xiliga ay dhaceysay magaalada medellin ee dalka Colombia.
Diyaaradaani Dhacday ayaa waxaa la socday 81 ruux oo isugu jira Ciyaartooyda, macalimiin iyo taageerayaal, waxaana dhintay 76 ka mid ah.
Ciyaartooyda la soctay diyaarada ayaa ka tirsan Kooxda Chapecoense ee dalka Baraziil waxa ayna u socdeen ciyaar fiinaal ah oo ay la dheeli lahaayen Kooxda Atletico Nacional.
Waxaa lasoo warinayaa inay ka badbaadeen kaliya shan qof.
Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]