25.1 C
Mogadishu
Sunday, October 5, 2025

Diyaarad ku dhacday maanta deegaan ay gacanta ku hayso Al-Shabaab

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in diyaarad nooca qumaatiga u kaca ay gelinkii dambe ee maanta ku dhacday meel u dhow deegaanka Tooratoorow.

Diyaaradda ayaa ka gubatay qaybteeda hore, waxaana soo gaaray burbur xooggan kadib markii ay ku dhacday dhulka, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Illaa hadda lama xaqiijin tirada dadka saarnaa, mana cadda haddii ay jiraan wax dhaawac ah ama khasaare nafeed.

Diyaaradda oo aan weli la ogayn cidda leh ayaa waxaa kasoo baxaya warar kala duwan. Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in diyaaradda ay u muuqatay mid ay leeyihiin ciidanka nabad ilaalinta Soomaaliya ee AUSSOM, halka warar kalena ay tilmaamayaan in ay u dhowdahay nooca ay isticmaalaan Qaramada Midoobay.

Goobta ay diyaaraddu ku dhacday ayaa la xaqiijiyay in ay gacanta ku hayaan kooxda Al-Shabaab, taas oo adkaynaysa in si degdeg ah loo helo xog faahfaahsan ama gurmad rasmi ah.

Weli ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya, howlgalka Midowga Afrika ama Qaramada Midoobay oo ku saabsan shilkaasi.

Waxaa la filayaa in saacadaha soo socda ay soo baxaan faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan nooca diyaaradda, cidda lahayd iyo khasaaraha ka dhashay.

Toddobaadkii hore unbey aheyd markii diyaarad Helicopter ah ay ku dhacday deegaanka Xiindheere oo ka tirsan gobolka Galgaduud, oo ay maamulaan maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

Diyaaraddaas oo ahayd mid gaar ah ayaa u diiwaan-gashaneyd Qaramada Midoobay, waxayna ka baxday magaalada Beledweyne, waxayna kusii jeeday degmada Wisil, balse waxa soo wajahday cilad, iyada oo kadib si deg-deg ah ugu degtay deegaanka Xiindheere.

Kooxda ayaa la sheegay inay gacanta ku dhigtay shaqaalihii saarnaa diyaaradda iyo burburkeedii.

Marar badan ayaa waxaa deegaannada ay joogaan Al-Shabaab ku dhacay diyaarado yar yar oo ah nooca Helicopter-ka, iyadoo su’aallo badan ka dhasheen shilalka noocaan ah, maadaama aan dib looga helin xog rasmi ah oo ku saabsan diyaaradda marka ay ku dhacdo deegaannada kooxda.

- Advertisement -

Read more

Local News