Diyaarad sidday CIIDAMO oo ka dagtay magaalada Beledweyne + Ujeedka

Beledweyne (Caasimada Online) – Waxaa garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne maanta ka digtay diyaarad sidday ciidamo gaar ah, oo aad u hubeysan.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ay ka mid yihiin ilaalada madaxweyne ku xigeenka maamulka HirShabelle, Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) oo isaga sii hormariyey magaalada ka hor inta uusan magaalada gaarin.

Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka HirShabelle, Yuusuf Axmed Hagar (Dagabeed) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saacado kadib diyaaraddaas gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Wafdiga uu hoggaaminayo Dabageed ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ku soo dhoweeyey mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan, kan Beledweyne, sarakiil ciidan iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan gudaha magaaladaasi.

Sidoo kale ammaanka ayaa aad loo adkeeyey, iyada oo goor sii horreysay ciidamo ilaalo u ah Dabageed ay ka dageen halkaasi.

Waxaa sidoo kale wafdigan ka mid ah wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle.

Ujeedka ayaa ah kulamo kala duwan oo ii madaxweyne ku xigeenka cusub ee HirShabelle ka bilaabi doono Beledweyne, si xal looga gaaro tabashada rer Hiiraan.

Wararka aya sidoo kale intaasi ku daraya in sidoo kale maalmaha soo socda Beledweyn uu gaari doono madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Cali Guudlaawe.

Dhowaan ayey aheyd markii doorashada HirShabelle lagu qabtay magaalada Jowhar, taas oo ay si weyn u diidanayeen beelaha qaar ee dega gobolka Hiiraan.