Ankara (Caasimada Online) – Diyaarad xamuul oo militari oo nooca C-130 ah oo lagu waday inay dib ugu laabato Turkiga, ayaa ku burburtay xadka Georgia iyo Azerbaijan.
Wasaaradda Difaaca Turkiga ayaa ku dhawaaqday, in diyaaradda ay saarnaayeen 20 qof oo ay ku jiraan shaqaalihii diyaaradda.
Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in la helay burburka diyaaradda xamuulka ee militri ee burburtay, waxaana sababta burburka diyaaradda lagu ogaan doonaa baaritaan qoto dheer oo ay sameeyeen kooxda baaritaannada shilalka.
Hay’adda duulimaadka ee Georgia ayaa dhankeeda sheegtay in diyaarad militari oo Turki ah ay ka luntay raadaarka “iyadoo aan bixin wax digniin ah.”
Dhanka kale, Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa tacsi u diray ehellada dadka dhintay, waxaana uu sheegay in diyaaradda sababta keentay cilladdeeda ahayd in ay ka luntay raadaarka sidaasina ku dhacday, sida uu hadalka u dhigay.
Sidoo kale, Erdogan ayaa geesiyaal qaranka Turkiga usoo halgamay ku tilmaamay saraakiishii la socday diyaaraddaan oo kamid ah kuwa xamuulka Militariga qaada ee dalkaas leeyahay oo maraysay xadka Georgia iyo Azerbaijan.

