Muqdisho (Caasimada Online) – Saraakiisha Hay’adaha amaanka DFS ayaa Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ku qabtay Diyaarad siday Raashiin dhacay.
Diyaarada sida Raashin dhacay ayaa lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho, waxaana isku gadaamay Saraakiisha Hay’adaha amaanka oo halkaasi ku xiray duuliyihii waday diyaarada.
Qaar kamid ah Howlwadeenada Garoonka ayaa xaqiijiyay in diyaaradaan Raashinka ay ku soctay degmada Baardheere ee gobalka Gedo, waxaana lahaa Hay’ada WFP.
Taliyaha Hoggaanka ilaalinta Canshuuraha ee Boliiska Soomaaliya Gen; C/laahi Xasan Bariise ayaa sheegay in Diyaaradaasi ay qabteen ciidamada ammaanku ay ku sii jeedday magaalada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo, sida uu hadalka u dhigay.
Raashiinkan ayaa isugu jira 100 shay oo kala ah galley ,Masaggo Caano boore iyo saliid ayaa ka mid ahaa gargaar ay Hay’addu horay ugu kaydisay Muqdisho, kaasoo dhaafay waqtigii isticmaalka.
Ma cadda sida ay DFS ka yeeli doonto Diyaaradaani gacanta ugu jirta, waxaase jira warar sheegaya in wada xaajood uu u socdo DF iyo Hay’ada WFP.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

