Diyaarado duqeyn ka geystay deegaano ka mid ah Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) – Diyaarado helicopter ah oo aan heybtooda la garaneyn ayaa duqeyn ka geystey deegaano ka tirsan gobolka Salal ee Somaliland, oo ah gobol Somaliland ay sameysay oo laga gooyey gobolka Awdal, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Dadka deegaanka ayaa waxay sheegayaan in duqaeyntaasi waxyeelo u geystey deegaaanada Qoriiley ee ka tirsan degmada Lawya Cado iyo Deegaanka Aasha Ada.

Masuuliyiinta gobolka Salal ayaa waxey tageen goobhaasi diyaaraduhu duqeeyeen, waxaana goobahaasi lagu arkey Xabado iyo Qoryo, sida xaqiijiyeen dad goobtaasi ku sugan oo la hadlay Caasimada Online.

Guddoomiyaha gobolka Salal Axmed Maxamed Xaashi, ayaa sheegay in walow aanay jirin dad wax ku noqday, haddana inay duqeymaha ay sababeen dhimashada xoolo nool iyo argagax-gelinta dadka deegaanka.

Weerarkan oo dhacey xaley sakh barkii ayaan la xaqiijin cida ka dambeysey iyo dawladda ay ka socdeen diyaaradaha helicopter-ka ee weerarka soo qaadey.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
caasimada@live.com