Muqdisho (Caasimada Online) – Shaqaale ka tirsan wasaaradda macdanta iyo batroolka Soomaaliya ayaa mushaharka laga joojiyey muddo bil, oo ah bisha Febraayo 2019, sida ku cad warqad ay heshay Caasimada Online.
Shaqaalahan oo gaaraya illaa 30, ayaa waxaa lagu eedeeyey inay muddo 16 maalmood ah shaqeyn oo ay ka maqnaayeen shaqooyinkooda, sidaas darteed aysan wax xuquuq ah u lahayn inay qaataan mushahar bil.
Tallaabadan ayaa waxaa qaaday guddiga qaranka ee shaqaalaha rayidka, waxaana ay ka dambeysay kadib markii guddiga anshaxa, kormeerka iyo abaalmarinta oo baaritaan ku sameeyey shaqaalahan, ayaga oo tagay xarunta wasaaradda.
Warqadda mushaharka looga ganaxaaay muddo bil ah oo uu saxiixay guddoomiyaha guddiga, ayaa waxaa loo diray wasiirka macdanta iyo batroolka Soomaaliya.
Hoos ka aqriso magacyada iyo warqadda ganaaxa.



