Tel Aviv (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump oo maanta gaaray Israa’iil ayaa ku dhawaaqayin magaalada barakaysan ee Quddus uu u aqoonsaday caasimadda Israa’iil.
Trump ayaa sidoo kale waxa uu shaaciyay in magaalada Quddus u rarayo safaaradda Mareykanka ee hore ugu taallay Tel Aviv.
“Dalalka Gobolka oo dhan ayaa nagu raacay in Xamaas hubka dhan oo dhigto. Mar dambena looma hanjabi doono Israa’iil,” ayuu yiri Madaxweyne Trump.
Go’aankan oo u muuqda mid qaras ka tuurnimo ayaa durba muran badan dhaliyay, waana mid dhaawici kara wada-hadallada nabadda Bariga Dhexe.
Israa’iil oo muddo badan damacsaneyd go’aanka uu haatan ku dhawaaqay Madaxweynaha Mareykanka, iyadoo Netanyahu uu Trump ku sifeeyay Madaxweyne qabtay wax aan horey loogu qaban Israa’iil.
Sidoo kale waxa uu sheegay in Trump uu siinayo billada Israa’iil oo aan la siin cid aan Yuhuud aheyn. “Ma jirto Madaxweyne Mareykan ah oo noo sameeyey waxa uu noo sameeyey Trump isagaa keeney nabadda; dagaalkii waa dhammaaday nabad ayaana bilaabatay, cid kasta gacanta nabadda ayaan u fidinaynaa,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil.
Arrimahan ayaa imanaya xilli loo dhaqaaqay dhaqan-gelinta heshiiska Xamaas iyo Israa’iil, isla markaana ay kooxda Xamaas sii daysay qeybtii ugu horeysay maxaabiista Israa’iil oo ay ku wareejisay Hay’adda Laanqeyrta Cas ee Caalamiga ah.
Illaa 7 maxbuus ayaa la daayay, kuwaas oo hadda kusii jeeda Israa’iil, waxaana haatan socda qorshe ay qeybta labaad ee maxaabiista Xamaas sii deyneyso, iyada oo lagu wareejinayo Laanqeyrta Cas.
Waxaa kale oo dhankeeda Israa’iil ay sii deyneysaa ilaa 1966 maxaabiis oo Falastiiniyiin ah oo ay ku jiraan 250 oo xukunnaa xabsi daa’iin, waxaana haatan magaalada Daanta Galbeed iyo sido kale Marinka Gaza ka socda xaflado lagu soo dhaweynayo maxaabiista.
Ragga muhiimka ee lasoo daynayo waxaa kamid ah Naji al-Jafrawi oo la dhashay suxufigii Saleh al-Jafrawi oo shalay ay dileen kooxo hubeysan oo xiriir dhow la leh Israa’iil, iyada oo ujeedka uu yahay in qoyska reer Jafrawi ay helaan beddelka wiilkooda geeriyooday, sida ay werisey Quds News.
Sidoo kale, reer Gaza oo soo dhaweyn doono ku dhawaad labo kun oo maxaabiis Falastiiniyiin ah oo ay ku jiraan 250 oo xabsi daa’in ay ku xukuntay Israa’iil oo qasab loo soo furtay, kuwaas oo lagu beddelanayo 20 Israa’iiliyiin ah.