Dood ka taagan sida loo xulayo xildhibaanada Habar-gidir (2 garab oo isku haya)

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Waxaa dood culus ay ka taagantahay qaabka loo soo xulayo Xildhibaanada beesha Habar-gidir ay ku leedahay baarlamanka labaad ee Galmudug, sida ay noo xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan Galmudug.

Odayaasha dhaqanka Galmudug ayaa ku jahwareersan laba awoodood oo iska soo horjeeda, kuwaas oo dano siyaasadeed ka leh baarlamanka cusub ee Galmudug.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha hoggaanka Habar-gidir ee lagu dhisay magaalada Hobyo ee gobalka Mudug, ayaa isku haya dhismaha baarlamaanka beesha Habar-gidir ka soo galay Galmudug, waxaana taagan doodo culus.

Golaha hoggaanka Habar-gidir, ayaa odayaasha dhaqanka ee beeshaas ka dalbaday in ay soo xushaan xildhibaano balse ay door ku yeeshaan Golaha hoggaanka Habar-gidir, islamarkaana saxiixa ugu dambeeyo uu yeesho Guddoomiyaha Habar-gidir Prof. Shirwac.

Odayaasha ayaa ogolaaday arrintaas balse waxaa dhanka dowladda federaalka Soomaaliya ka yimid dalab kale oo ku aadan in dowladda Soomaaliya ay door wayn ku yeelato xildhibaanada beeshaas ee baarlamanka Galmudug.

Xildhibaanada beesha Habar-gidir ay ku leedahay baarlamanka Galmudug ayaa gaaraya ku dhowaad 40 Xildhibaan, waxayna muhiim u yihiin dhinacyada isku haaya hogaanka maamulkaasi waana sababta keentay in dood culus ay gasho qaabka xulista Xildhibaanada.

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusomareeb
caasimada@live.com