Jowhar (Caasimada Online) – Magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabeele waxaa maanta ka dhacaya doorashada xildhibaanada aqalka hoose oo ay ku tartamayaan haween kasoo jeeda beesha Abgaal.
Doorashada oo ah mid xiiso gaar ah leh ayaa waxa aku tartamaya haween kasoo jeeda beesha Abgaal, waxayna noqonayaan haweenkii ugu horeeyay ee beesha abgaal oo tartama.
Kursiga maanta ku tartamayaan labada haween ayaa waxaa iska leh beesha Wacbuudhan Abgaal, waana kursigii ugu horeeyay ee beeshaaasi maadaama beesha horey u diidaneyn in haween matalaan.
Labada haween ee kasoo jeeda Wacbuudhan abgaal maantana tartamaya ayaa lagu kala magacaabaa Drs. Mina Xasan Shibis iyo Bakiin Maaxi Macalin, kuwaasi oo labadooda maalmahaan ku sugnaa magaalada Jowhar.
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa kaalin ku leh doorashada maanta ee haweenka Abgaal, waxaana mid kamid ah haweenka dooneysa iney soo baxdo madaxtooyada Soomaaliya,
Haweeneyda madaxtooyada wadato ayaa ah mid dhaqaalaha ugu badan ee doorashadii madaxda HirShabeele loo dhiibi jiray, waxaana hadda la saadaalinayaa iney soo baxdo.
La soco natiijada Doorashada Insha allah
Caasimada Online
Xafiiska HirShabeele.
[email protected]