25.6 C
Mogadishu
Monday, December 29, 2025

Doorashada Muqdisho oo nabad ku soo dhamaatay iyo tirinta oo bilaabatay

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Doorashada goleyaasha deegaanka oo saaka ka bilaabatay magaalada Muqdisho ayaa goordhaweyd si nabad ah ku soo idlaatay.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Cabdikariim Axmed, ayaa sheegay in la guda galay tirinta codadka ay maanta dhiibteen shacabka Muqdisho, kadib markii doorashadu si nabad ah ku soo dhammaatay.

Intii ay socotay doorashada, lama soo werin hal dhacdo oo amni-darro ah, iyadoo ciidamada kala duwan ee dowladda ay aad u adkeeyeen ammaanka magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda.

Doorashadan ayaa ahayd mid taariikhi ah, iyadoo saaka xilli hore ay dadka reer Muqdisho safaf dhaadheer u galeen si ay u dhiibtaan codadkooda, una soo doortaan goleyaasha deegaanka ee degmooyinkooda.

Doorashada waxaa ku tartamayay ilaa 20 urur, oo uu ku jiro xisbiga Madaxweynaha ee Cadaaladda iyo Wadajirka, waxayna si habsami leh uga qabsoontay 16 degmo oo ka tirsan gobolka Banaadir.

Sidoo kale, waxaa ka qayb galay doorashada mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo codkooda dhiibtay, kuwaas oo dhinacooda ka galay safafka si ay u dhiibtaan codadkooda.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa isna codkiisa dhiibtay.

Doorashadan oo si weyn isha loogu hayo ayaa waxaa banaanka ka jooga xubnaha mucaaradka, kuwaas oo shalay shaaca ka qaaday in aysan aqoonsan doonin natiijo kasta oo kasoo baxda doorashada, iyaga oo dhaliilay Madaxweyne Xasan iyo xisbigiisa.

- Advertisement -

Read more

Local News