27 C
Mogadishu
Monday, December 29, 2025

Doorasho QOF iyo COD ah oo saaka ka bilaabatay Muqdisho + Sawirro

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa saaka degmooyinka Gobolka Banaadir si rasmi ah uga bilowday doorashada goleyaasha deegaanka oo qof iyo cod ah, iyada oo si weyn loo adkeeyay ammaanka guud ee magaalada Muqdisho.

Dadweynaha ayaa saaka xilli hore galay safaf dhaadheer, si ay u dhiibtaan codadkooda, una soo doortaan goleyaasha deegaanka ee degmadooda, waxaana tartamaya ilaa 20 urur oo uu ku jiro xisbiga Madaxweynaha ee Cadaaladda iyo Wadajirka.

Doorashada oo si gaar ah uga socota 16 degmo oo ka tirsan gobolka Banaadir, waxaana sidoo kale ka qayb-galaya mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo dhinacooda ka galay safafka, si ay codadkooda uu dhiibtaan.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac ayaa ka codeeyay degmada Hodan, sidoo kale wasiir ku xigeenka warfaafinta Cabdiraxmaan Al-Cadaala ayaa soo hadlay isaga oo safka dhinac uga jiro, si uu u codbixiyo.

“Waqti hore ayaan galay safka, waxaan jeclaa in aan noqdo qofka ugu horeeya ee ka codeeya xarunta aan iska diiwaangaliyay balse dad ayaaba xalay kusii hoyday. Saaka Naftayda, Dalkayga iyo Ubadkayga taariikh ayaan u samaynayaa insha allaah” ayuu yiri wasiir Al-Cadaala.

Waxaa kale oo uu sii raaciyey “Muwaadin, waa lasoo dhaafay waqtigii go’aanka mustaqbalkaaga laguu gaarijiray, hadda adiga ayaa talada go’aaminaya. Uma baahnid in aad qofna marti u noqoto. Soo bax oo go’aami taladaada”.

Dhinaca kale ammaanka ayaa loo adkeeyay, iyada oo ciidamadii ugu badnaa la geeyay goobaha cod-bixinta doorashada, iyo wadooyinka, waxaana gebi ahaan badnow lagu soo rogay caasimada.

Doorashadan oo aad isha loogu hayo ayaa waxaa banaanka ka jooga xubnaha mucaaradka oo shalay shaaca ka qaaday in aysan aqoonsan doonin natiijo kasta oo kasoo baxda doorashada, iyaga oo dhaliilay Madaxweyne Xasan iyo xisbigiisa.

- Advertisement -

Read more

Local News