Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah musharixiinta doonaya xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa walaac kale ka muujinaya dib u dhac ku yimaada doorashada madaxweynaha Soomaaliya.
Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo sanadkaan musharax madaxweyne ah ayaa sheegay in doorashada sanadkaan dib u dhac uu ku imaanayo markii shanaad sida dib u dhaca ugu yimid afartii jeer ee lasoo dhaafay.
“Ilama ahan doorashadan iney dhaceyso 28-ka bishan, sababtana waa sababihii Afar jeer oo hore dib ugu dhacday, meeshani dadka mas’uuliyiinta wadanka ka aha ayaa waxay raadinayeen sifo walba oo ay kusoo bixi lahaayeen, markii hore iyaga ayaa dib u ridayey oo waxay diidanaayeen shacabkaan in awoodda loo celiyo oo wax doorto”
“Kadibna waxay isku mashquuliyeen in sharciyaddii baarlamaanka ay laalaan, waxay isku mashquuliyeen hadana in golihii wasiirada iney laalaan, waxay sameysteen madal wax la dhaho oo dastuurka meel ay uga taallo aan la ogeyn.” Ayuu yiri Tarsan.
Dhinaca kale Tarsan ayaa weerar toos ah ku qaaday labada gudi ee doorashooyinka sanadkaan oo kala ah gudiga doorashooyinka dadban iyo gudiga xalinta Khilaafaadka.
“Guddiga doorashooyinka iyo guddiga khilaafka Labaduba waa aalad la adeegsado oo xafiiska Madaxweynaha u shaqeynaya waaye, awaamirtana waxay toos uga qaataan xafiiskaas, sababta arrintaan u dhaceyn waqtigeeda waxa weeye tiradii ayaa la wadaa, waxaa la tirinayaa inta xildhibaan ee madaxweynaha gacantiisa ku jirta” ayuu yiri Tarsan.”
Waxaa jirta walaac weyn oo laga muujinayo iney dib u dhacdo markii shanaad doorashada sanadkaan.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

