25.4 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

Doorashadii hakadka u gashay wasiir DF ka tirsan oo dib loo billaabay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Jowhar (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Jowhar dib looga bilaabay doorashada wakiilada aqalka Hoose ee ka imaanaya deegaanada HirShabeele.

Doorashada ayaa hakad ku jirtay tan iyo maalintii Jimcaha ee lasoo dhaafay kadiv markii israsaaseyn ka dhacday hoolka doorashada ee magaalada Jowhar.

Hakadka doorashada ayaa waxaa ka dambeeyay wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha ee dowlada Soomaaliya oo ka carooday markii wareega koowaad ee doorashada laga dhibco badiyay.

Xubnaha aqalka hoose ee ka imaanaya deegaanada HirShabeele ayaa la doonayaa in lagu soo dhameystiro doorashada maanta dib looga bilaabay magaalada Jowhar.

Waxaa la sugayaa doorashada beelaha Gaaljecel iyo beelo kale oo kasoo jeeda deegaanada Hiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Sidoo kale waxaa maanta doorashada ka dhaceysaa magaalooyinka Baydhabo iyo Kismaayo.Doorashada kismaayo ayaa maanta dib loo bilaabay maadaama maalmahaan hoolka ciidamada nabad sugida u xirnaa.

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News