26.8 C
Mogadishu
Tuesday, June 24, 2025

Doorashadii ugu yaabka badneyd oo ka dhacday Jowhar iyo Wasiir nuux oo xildhibaan noqday

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Jowhar (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno magaalada Jowhar ayaa sheegaya in saaka halkaasi ka dhacday doorashadii ugu yaabka badneyd.

Doorashada maanta oo aheyd mid kedis ah ayaa waxaa kusoo baxay wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha oo horey looga joojiyay inuu tartamo maadaama dhawaan fowdo uu ka kiciyay magaalada Jowhar.

Lama oga sida loo aqbali doono labada kursi ee maanta lagu doortay magaalada Jowhar, maadaama labadaasi kursi horey loo joojiyay loogana mamnuucay dadka kusoo baxay.

Wasiirka ayaa si deg deg ah doorashada maanta ku galay, waxaana la tartameysa gabar isaga uu keensaday, wuxuuna kusoo baxay 45 cod.

Sidoo kale waxaa maanta magaalada Jowhar ka dhacday doorasho kale oo yaab leh kadib markii kursiga Beesha Carab Soomaali oo hakad la geliyay uu kusoo baxay C/casiis Saalax Carmaan oo ahaa Wasiir kuxigeenkii Beeraha.

Doorashada maanta ayaanan la ogeyn sida ay ku dhaqan geli karto, balse waxaa jirto cabsi ah in la aqbalaa marmarsiiyana loo raadiyaa doorashada maanta.

Caasimada Online
Xafiiska HirShabeele
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News