Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee gobolka Baay ayaa sheegaya in dib loo bilaabay doorashada xubnaha aqalka hoose ee baarlamaanka.
Wakiilka ergayga gaarka ee Qaramada Midoobay Soomaaliya Micheal Keating ayaa ku sugan magaalada Baydhabo ee gobolka Baay, waxaana uu goobjoog ka yahay doorashada maanta.
Doorashada Baydhabo ka dhaceyso ayaa maanta lagu dooranayaa ilaa lix kursi oo ka mid noqonaya xubnaha aqalka hoose ee baarlamaanka.
Dhinaca kale waxaa doorashada aqalka hoose maanta sidoo kale ka bilaabatay magaalada Cadaado oo maalin dhaweyd shaqaaqo ay ka dhacday.
Naciima Maxamed Gacal iyo Sahra Xaaji Maxamed ayaa ku tartamay kursiga koowaad ee maanta waxaana 45 cod ku adkaatay Naciima Maxamed Gacal oo kamid noqotay baarlamaanka cusub.
Dhinaca kale waxaa dib loo dhigay ilaa amar dambe doorashada aqalka hoose ee maamulka HirShabeelle oo ka dhaceysa magaalada Jowhar.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com