Muqdisho (Caasimada Online) – Falanqeeyayaasha siyaasadda ayaa sheegaya in khilaafka siyaasadeed ee ka dhex aloosan madaxweynaha iyo ra’iisul-wasaaraha uu Soomaaliya uu dariiqa ka weecin karo in ay Somaaliya qabsato doorashadii ugu horreeysay ee si dimuqraaddi ah u dhacda tan iyo 1967-kii.
khilaafka siyaasadeed ee ka dhex jira madaxda dawladda Soomaaliya kama saari doono mushiladda tagan ee waxa uu marin habaabin doonaa mustaqbalkeeda, ayuu sheegay Cabdikariim Daa’uud oo ah macalin culuumka siyaasadda ka dhiga Jaamacadda Muqdisho.
“Mar alla marka aad maqasho in khilaaf uu ka dhex jiro madaxda sare, waxaa durbadiiba muuqanaysa ifafaalo aan wanaagsaneyn oo ku aaddan mustaqbalka Soomaaliya,” ayuu yiri, isaga oo intaa raaciyay in ay loo baahan yahay in khilaafka lagu dhameeyo “is afgarad iyo wadatashi”.
Isaga oo faallo ka bixinayay kaalinta uu barlamaanku ku leeyahay xallinta khilaafka, ayuu Daa’uud ku dhalleeceeyay xildhibaannada in ay uga sii dareen xaaladda oo aynana qaadeeyn tallaabooyinka munaasibka u ah in si dhex-dhexaadnimo ah loo eego qaddiyadaha iyada oo aan dhinac lala safan.
“Waxay ku eedeeyeen ra’iisul-wasaaraha in uu ku guul-darreeystay gudashada xilkiisa, laakiin cidina su’aalo ma waydiin ra’iisul-wasaaraha lamana siin fursad uu isku difaaco,” ayuu yiri.
Khilaafkii kadib waxaa markiiba ra’iisul-wasaaraha lagu bilaabay olole xil ka qaadis ah, ayuu raaciyay, taas oo muujnaysa suuragalnimada dano shakhsiyeed oo ka jira dhinaca xildhibaannada.
“Xildhibaannada kale ee iyagana ka soo horjeeda cayrinta ra’iisul-wasaaraha waxay sameeyeen isla qorshahaas,” ayuu yiri. “Haddii ayan difaaci karin, waxay sameeynayaan wax walba oo kale oo ay ku gaari karaan ujeedkooda, waxana ka mida fawdada.”
Xildhibaannadu waxa laga yaabaa in ay jideeyaan caqabad cusub oo ku soo kororta siyaasadda Soomaaliya, oo qoladdii wax diidanba inta ay sharciga meel iska dhigaan ay adeegsadaan buuq iyo qeylo si ay qolada ka awood badan uga adkaadaan, ayuu sheegay Cabdiraxmaan Macalin Axmed Ablaal, oo ah Guddoomiyaha Dalladda Waxbarashada Ahliga (SAFE).
“Waxa ay aheyd in hoggaanka baarlamaanka in uu xeeriyo aragtiyaha [kala duwan] inta aan mooshinka la keenin, haddii la keenayna waxa ay ahayd in xeerarka iyo awoodaha uu sharcigu siinayo uu adeegsado,” ayuu yiri.
“Baarlanmaka waan hay’adda ugu muiimsan dawladnimada oo wax kala baddali kara waxna kala saari kara,” ayuu yiri. “Laakiin, waxaan is leelayahy waqti ayay qaadanaysaa in adakaysiga aan barano iyo in aan u hoggaansano xeerarka noo qoran marka la tixraaco wixii naan soo marnay.”

