28.9 C
Mogadishu
Tuesday, November 4, 2025

Doorashooyinka dunida ka yaabiyay ee ka dhacay Afrika

Bookmark
Bookmarked

Share

Nairobi (Caasimada Online) – Afrika waxaa sannadkan ka dhacay doorashooyin dunida ka yaabiyey, mar kalena bannaanka u soo saaray sida ay dimuqraadiyaddu qaaradda uga leexatay waddadii saxda ahayd ee doorashooyinka looga baahnaa.

Doorashooyinkan ayaa noqday kuwo dadka iyo caalamkaba ku reebay su’aalo badan oo ku saabsan mustaqbalka hannaanka siyaasadeed ee Afrika.

Waxaa muuqata in hoggaamiyeyaashii muddo dheer talada hayay ay mar kale ku laabanayaan kuraasta, iyaga oo adeegsanaya awood iyo xeerar ay iyagu dhigeen.

Madaxweyneyaal tan iyo qarnigii hore soo talinayey ayaa weli ku sii jira hogaanka, halka qaar kalena ay qorsheynayaan inay mar kale ku celiyaan doorashooyin ay isku caano shubayaan.

Arrintaasi waxay sii xoojisay cabashada mucaaridka oo sheegay in qaaradda ay ku socoto “dib-u-dhac dimuqraadiyadeed.”

Paul Biya – Cameroon

Mid ka mid ah madaxda ugu da’da weyn ee weli xilka haya waa Paul Biya, madaxweynaha Cameroon.

Paul Biya ayaa dalkaasi soo xukumayey tan iyo sannadkii 1982-kii, isaga oo hadda 92 jir ah. Inta lagu guda jiray muddadaas dheer, wuxuu galay siddeed doorasho oo midna lagama adkaanin.

Doorashadii ugu dambeysay ee bishan uu qabtay, Biya waxa uu ku soo baxay 53% codadkii la tiriyey. Isagu hore ayuu meesha uga saaray xeerkii qeexayey in madaxweynuhu aanu tartami karin laba jeer wax ka badan.

Mucaaridka Cameroon ayaa ka gadooday natiijada, waxaana gobollo badan ka dhacay rabshado ay ku dhinteen dad badan oo taageerayaal mucaarid ah.

Ciidamada amniga ayaa la sheegay inay adeegsadeen awood xad dhaaf ah si loo kala diro mudaharaadyada.

Alassane Ouattara – Ivory Coast

Dalka Ivory Coast ayaa isna la kulmay xaalad la mid ah. Doorasho madaxtooyo oo halkaas ka dhacday ayaa mar kale kursiga ku soo celisay Madaxweyne Alassane Ouattara.

Ouattara, oo 83 jir ah ayaa talada dalka hayey tan iyo 2011-kii. Doorashadan oo lagu tilmaamay mid aan tartan dhab ah lahayn, ayuu ku guuleystay 89.8% codadkii la sheegay in la tiriyey.

Mucaarid badan ayaa la xidhay ka hor doorashada, halka kuwo kalena dalkii ka baxsadeen iyagoo sheegaya in noloshoodu halis gashay.

Dalalka reer galbeedka ayaa walaac ka muujiyey qaabka doorashadaasi u dhacday iyo saameynta ay ku yeelan karto xasilloonida gobolka.

Saamiya Suluhu ‐ Tanzania

Tanzania, hoggaamiyaha Saamiya Suluhu Xasan ayaa noqotay haweeneydii ugu horreysay ee lagu eedeeyo “doorasho boob” oo Afrika ka dhacda.

Doorashadii toddobaadkii hore dhacday, Saamiya waxay heshay cod dhan 97%, taas oo dhalisay caro iyo bannaanbaxyo ballaaran.

Ka hor doorashada, xisbiyada mucaaridka ayaa si rasmi ah tartanka looga mamnuucay, qaarna xabsiga ayaa loo taxaabay.

Dadka taageersan mucaaridka ayaa sheegay in aanay jirin xorriyad doorasho oo dhab ah, halka dawladda ay ku doodayso in natiijadu ay ahayd mid kasoo baxday “doorasho hufan.”

Marka laga yimaaddo madaxda sannadkan ku soo laabtay kuraasta, waxa jira kuwo kale oo doonaya in ay qabtaan doorashooyin ay iyagu isku caana shubaan.

Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka mid ah hoggaamiyeyaasha muddo dheer talada haya ee doonaya in uu markale isu soo taago doorashada.

Geelle ayaa dalka Jabuuti xukumayey tan iyo sannadkii 1999-kii. Dhowaan ayuu wax ka beddelay xeerkii dhigayay in qof 75 sano ka weyn aanu u tartami karin madaxtinimada.

Doorashadii ugu dambeysay ee 2021-kii, Geelle waxa uu helay 98% codadka, taas oo dadka qaar u arkeen natiijo aan macquul ahayn.

Jabuuti ma jiro xisbi mucaarid ah oo si dhab ah u tartama, waxaana dalka xukuma xisbiga keliya ee RPP oo muddo dheer awoodda gacanta ku haya.

Uganda, Madaxweynaha Yoweri Museveni ayaa isna shaaciyey inuu mar kale u tartamayo doorashada soo socota ee 2026.

Museveni, oo 81 jir ah ayaa talada Uganda hayey tan iyo 1986-kii, muddo ku dhow 40 sano.

Mucaaridka dalkaasi, oo uu hogaaminayo fanaanka siyaasiga ah Bobi Wine, ayaa marar badan lagu bartilmaameedsaday xabsiyo iyo cadaadis siyaasadeed.

Doorashooyinkan kala duwan waxay muujinayaan in qaaradda Afrika ay weli ku jirto marxalad adag oo u baahan dib-u-habayn siyaasadeed iyo xasillooni dimuqraadiyadeed.

- Advertisement -

Read more

Local News