Doorka dowlada dhexe ee Somalia iyo doorashada madaxnimo ee Puntland

Inta dulmi xaqa ka mudan yahay,    Inta danbiile Garsoor yahay                                          

Doorashada maamulka Puntland waxay ku beegan tahay Janaayo 8, 2014 hadaba waxaa isweeydiin mudan doorkee ayeey  dowlada dhexe ku leedahay doorashada Puntland maadaama laga soo gudbay dowlad ku meelgaar ah ?? yaase garsoor cadaaladeed oo xalaal ah mudan in uu ka noqdo maamulo doorashadaa Puntland ?? mise Faroole ayaa mudan in uu garsoore ka noqodo doorashadaa,waxaan soo xusuustay Cabdulle Rage iyo deeleeydii ku jirtay ee aheeyd inta danbiile garsoore yahay,darajana qabiil tahay dulmi xaqa kla mudan yahay in aan tiriyo deeleey dareenkeeyga ma ogola.

Hadaba sidee ninkii loolanka ku jiraa uu u sameeeyn-karaa xeerarka doorashada,sidee ninki loolanka ku jiraa amniga u sugi karaa,ayaa damiinad qaadaya wafdiga ka imaanaya gobolada iyo degmooyinka Puntland,xor ma u noqon karaan Isamada iyo cuqaasha Puntland soo xulida xildhibaanada dooran doono hogaanka Puntland ?? musharxiinta oo ka kala imaanaya dalka iyo dibada yaa qaadaya amnigooda mise Faroole ayeey magan u noqonaayaan ??  haddii aanan la helin heykal dowladeed oo dhexdhexaad ka ah arimaha aan kor ku soo sheegay sow Faroole fursad awoodeed uma helaayo in uu wax is-dabamariyo ama awood ku muquuniyo doorashada taana waa mid u sahleeysa Faroole in uu ku guuleeysto xilika,iyada oo la ogyahay Garwe in eey tahay degmada uu ka soo jeedo Faroole awood ciidan iyo mid maaliyadeedba in uu ku leeyahay halkaana aad aay ugu  fududahay in uu maroorsado talada Puntland.

Puntland waxaa xiligaan ka jira loolan siyaasadeed oo abuurikara dagaal ama colaad ku habsata shacabkaa  waayay hogaan xalaal ah balse doorashada Puntland lagu qeexay Hag-bad ama shalango meerto ah oo aanan marna ka gudbin haraagii SSDF ,haddii aad dib u fiiriso Puntland waxaa ku heshiiyay ilaa seddex urur qabiil sida jabhada SSDF ku mideeysnaa Majeerteen oo kaliya halka dhulbahante iyo warsabgeli eey lahaayeen jabhadii USP oo uu hogaankeeda hayay Maxed Cabdi Xaashi,sidaa oo kale waxaa ku jiray Jabhadii SND ( Ortoble iyo Leeyla-Kase) ,hadaba jabhadahaa ku heshiiyay dhismaha Puntland miyeey xaqooda ka heleen mise aad ayaa loogu duudsiyay waxii aay u soo halgameen.

USP & UND ragii ku abtirsanayay xaqiiqdii aad ayeey ugu hungoobeen waana aay ku dulmanaayeen  dhismaha maamulka Puntland,xiligaan goboladii aay degenaayeen waxaa uu gacanta ugu jiraa Somaliland halka belweeynta Leeyla-Kase lagu xasuuqay Gaalkacayo xiligii C/weli  ahaa r/wasaare,qorshahii lagu gumaaday xaafada Garsoor (Leeyla-Kase )  ee degmada Gaalkacayo waxuu ahaa mid aay Farooole iyo C/weli kuwada heshiiyeen sabbabta oo ah waxaa socday shirkii Garowe 1 &2 ,xiligaan waxaa muuqda in  Farole uu aad u kala fogeeyay xiriirkii Odayaasha dhaqanka iyo wadatashiga Bulshada,waxaa uu xirxiray Odayaal dhaqanka door wanaagsan ku lahaa dhulka Puntland ,waxaa uu xirxiray beel-daajiyaal Isimo iwm waxuu Faroole ahaa madaxa burcadbadeedka xeebaha Puntland sida degmooyinka Baargaal, Laas Qoray, Xaafun, Beyla, Eyl, iyo Garacad halkaas ayuuna  ka helay maaliyad xooga leh ee uu maanta ku tartamayo,iyada oo uu caalamka u aqoonsaday Faroole in uu yahay madaxa burcadbadeeda Somali ayaa C/weli noqday r/wasaare dowladii Sheekh Shariif halkaana waxaa uu caalamka ka dhaadhiciyay C/weli in Faroole yahay shaqsi la dagaalama burcadbadeeda caalamkana kaga soo qaatay hanti faro badan la dagaalanka burcadbadeeda Puntland,Faroole waxaa uu Puntland u ogolaaday in aay ka howlgalaan shisheeye oo aana  sumcad iyo xurmo ku laheeyn Somalia sida shirkada SARACEN oo aay leeyihiin calooshod u shaqeeystayaal south Afrikan ah iyada oo la ogyahay in dowladdii C/weli iyo Un kaba aay ku amreen in aay dalka dhaqsi ugu baxdo balse weli ka shaqeeysa dhulka Puntland,C/weli arimaha aay isku qabteen Faroole waxaa ugu badan lacag laga qaatay shirkadaa SARACEN iyo lacago lagu qaatay shirkii Garowe 1 & 2 suaasha jirtaa waxaa aay tahay xiligii C/weli  ahaa r/wasaare dowladii Sheekh Shariif aad ayu ugu qanacsanaa howsha Faroole waday maxaa maanta keenay in leeyskaga horyimid ka dib C/weli markii uu ku hungoobay doorashadii 2012 loolanka doorashada madaxweeynaha dowlada federaalka ?? akhristow adba garo hal booli ah nirig xalaala ma dhasho waxaa aay isku haytaan boobkii iyo biliqadii hantida Somali xiligii C/weli Gaas uu ka dhacay umada Somali sida uu idaacadaha uu uga sheegayo maalin walba.

C/weli mar uu isku soo taagayay musharxnimada doorashada Puntland waxaa uu cadeeyay in Faroole uu ka jeediyay caalamka,waxaana uu sheegay in Puntland uu u soo dhacay hantidii Somali ee Talyaaniga tiil ,hantidaa oo FAO ayaa Somalida uga qoondeeysay horumarka Beeraha 22 sanno loo ururinayay Somali ,C/weli waxaa uu umada u sheegay in xiligaan Beero Somali jirin balse mudan tahay in madaarka Bosaaso lagu dhiso, asaga oo isku muujinayo in uu ahaa shaqsi Puntland wax weeyn u qabtay balse iloobay in uu ahaa r/wasaare Somali ee uusan aheeyn r/wasaare Puntland,waxaa uu qiray in hati faro badan oo loogu talo galay dib u dhiska gobolka Banaadir uu u soo xaawilay Puntland una soo dhiibay Saciid Qorsheel oo ahaa r/dowlo ka mid ahaa wasiirada dolwda ku meelgaarka aheeyd,alow haddii xishood la áan loo dhimanayo C/weli ayaa u dhiman lahaa sabbabta oo ah weli waxaa uu caalamka u sheegaya in uu cadaadala ka fogaaday Puntlandna uga hiiliyay umada Somali.

Dowlada dhexe oo ah dowlad aan ku meelgaar aheeyn waxaa quman in aay Puntland colaada iyo saxansaxada dagaal iyo mida awoodeed ka hortagto iyada oo aay muujineeyso in aay masuul ka tahay dhamaan shacabka Somali,dowlada dhexe hogankeeda waxaa doortay dhamaan Odayada dhaqanka ee Somali sida Iimaan,Ugaas Isim,Garaad iwm sabbabta oo ah Odayaadaa waxaa aay dhaleen xildhibaanda federaalka oo ka kooban dhamaan Somali sidaas awadeed xildhibaanada Somalia waxaa aay awooda hogaanka u doorteen Prof.Xassan iyo Jawaari halka Dr,Saacid laga soo dhex xulay shacabka Somalida,sow ma qumana dowlada sidaa ku timid oo mataleeysa dhamaan Somali in aay garsoor ka noqoto doorashada Puntland dhistana gudi dhexdhexaad ka ah doorashada Puntland,gudi awoodiisa tahay ilaalinta masuqmaasuqa iyo awood iskugu shaagashada doorashada.

Haddii dowlada dhexe gabto howshaa waxaa soo baxeysa in awooda dowlada dhexe noqoto magac u yaal,dhismaha Jubba in aay ku howshaa midka Puntlandna ka jiifataa waa waxa laga baranayo dowlada dhexe,waxaana soo baxeeysa aayaha danbe in dowlada dhexe aayan awood ku lahaan dhismaha dowladgoboleeyada sida G.dhexe  Ex Banaadir dadka asaga ayaa sameeysanayaa maamulkiisa balse dowlada dhexe waa in aay marqaati ka noqotaa oo aay xalaaleeysaa hogaanka lagu heshiiyay in uu ku yimid dariiqii xalaasha ahaa,waxa Khaatumo loo diidan yahay in aay ka tashadaan aayahooda,dowlada dhexe waa ku waajib in aay taageeraan shacabka khaatumo oo u istaagay midnimada iyo dhowrida ama xafidida calankii Somali,waxeey diideen calanka Puntland waxeeyna ogol yihiin calankii soo jireenka ahaa xaqiiqdiina waa aay u dhinteen,dowlada dhexe waa in aay garab istaagtaa shacabkaa dulman cadeeysaana xaqooda ka mid ahaanshaha dowlada fedraalka.

Xildhibaanada Puntland kaga jira dowlada dhexe ayaa laga rabaa in aay kala tashato dowlada dhexe sidii door shariif ah ugu qaadan lahaayeen loolanka siyaasadeed ee Puntland,waxaad arkeeysaa in jajuub leeysku hayo,idaacadaha leeysga dhiibayo hadalo aan ku qumaneeyn muraxiinta Puntland,C/weli waxaa uu adeegsaday alkoliistayaal ayaa soo xukumay Puntland halka Faroole dhahayo Buufiskii daawadii ayuu soo iloobay,waa nin daawo ku socdo.Alow sahal umuuraha.

W/Q: Dr. Ali. A. Hirabe                                                                       

Hirabe_a@hotmail.com  

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan wax xiriir ahna lama lahan tan Caasimada Online