Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixin kasoo baxday Wasaarada Arrimaha Dibadda Kuuriya Waqooyi ayaa waxaa lagu mamnuucay in muwaadiniinta dalkaasi kasoo jeeda ay u socdaalan dalka Somalia.
Dowlada Kuuriya Waqooyi, ayaa sababta ku sheegtay amni darro wali ka taagan Somalia, waxa ayna muwaadiniinteeda uga digtay in ilaa iyo amar danbe ay safar ku aadan dalka Somalia.
Warbixinta Kuuriya Waqooyi, waxaa sidoo kale lagu sheegay in liiska dalalka halista ah ay kamid yihiin Afghanistan, Yemen, Syria, Libya iyo Somalia oo ay warbixintu khuseyso.
Warbixinta waxaa lagu sheegay in Dowlada Kuuriya Waqooyi ay mar waliba diyaar u tahay in taxadar dheeri ah ay ka muujiso ammaanka muwaadiniinta dalkeeda halka ay u safrayaan.
Wadamada sida gaarka ah looga digay ayaa la sheegay inay u badan yihiin kuwa aysan Kuuriya Waqooyi ku laheyn Safaaradaha.
Si kastaba ha ahaatee, digniinta kasoo baxday Kuuriyada Waqooyi ayaa kusoo beegmeysa xili maalinimadii shalay weerar ismiidaamin ah ka dhaceen Muqdisho.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]