26.1 C
Mogadishu
Thursday, January 1, 2026

Dowlad-goboleedkee ayay ka bilaabaneysa qodista shidaalka Soomaaliya?

Bookmark
Bookmarked

Share

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Dowlad-goboleedka Galmudug ayaa noqonaya maamul goboleedkii u horreeyay laga bilaabo qodista shidaalka, sida uu shaaciyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre.

Xamza oo khudbad ka jeediyay xiritaanka shirka Mac-hadka Heritage ee ka socday magaalada Dhuusamareeb ayaa shaaciyay in qodista shidaalka bisha May ee sanadkan ay ka bilaaban doonto deegaanada Galmudug meel ka mid ah.

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in shirku ku soo aaday xilli dalka uu ku jiro isbeddel weyn oo dhinacyada amniga, dhaqaalaha, horumarka iyo diblomaasiyadda ah, isaga oo tusaale u soo qaatay doorashadii caasimadda oo si nabad ah u qabsoontay, muwaadiniintuna ay si kalsooni leh u codeeyeen.

Waxa uu xusay in horumarka dhinacyada amniga iyo diblomaasiyadda ee dalkeenna ka jira ay suurageliyeen in laga hortago xadgudubyo qarannimada dalka , isagoo bogaadiyey saaxiibbada caalamiga ah ee taageeray midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya.

Sidoo kale, wuxuu ka hadlay xaaladda bani’aadannimo ee dalka ka jirta, isaga oo sheegay in abaaruhu ay saameeyeen ku dhowaad 4.4 milyan oo qof, kuwaas oo u baahan gurmad degdeg ah.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu caddeeyey in Soomaaliya aysan aqbalayn wax kasta oo wiiqaya gobonimada iyo midnimada dalka, isla markaana ay diyaar u tahay nabad iyo iskaashi ku dhisan dan-wadaag.

Waxa uuna adkeeyey in isku day kasta oo lagu kala qaybinayo dalka ay si mideysan uga hortagayaan dowlad iyo shacabba.

Ugu dambayntiina, wuxuu ugu baaqay siyaasiyiinta Soomaaliyeed midnimo iyo wada-hadal, isaga oo xusay in gogosha wadahadalka ay ka furantahay Muqdisho.

- Advertisement -

Read more

Local News