Dowladaha ka qeyb-galaya gurmadka qaraxii Zoobe oo kordhay (Warbixin)

Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlado dheeri ah ayaa ka qeybqaadanaaya dadaalada lagu baxnaaninaayo dhaawacyadii ku waxyeeloobmay Qaraxii ka dhacay Isgooyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Gurmadka lagu baxnaaninaayo dadkii ku dhaawacmay Qaraxa ayaa waxaa ku biiray Midowga Yurub oo sheegay inay qaadanayaa kaalintooda.

Madaxda Midowga Yurub ayaa ku dhawaaqay ka qeybqaadashada gurmadka loo fidinaayo dadkii ay waxyeelado kasoo gaartay Qaraxii Xoogganaa ee 14-kii Bishaan ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Midowga Yurub ayaa sheegay in gurmadkooda ugu horeeya uu noqon doono daabulida dawooyin tayo leh oo lagu daweynaayo bukaanada weli ku jira isbitaalada Muqdisho.

Madaxda Midowga Yurub waxa ay sheegeen inay muhiim tahay in si wadajir ah looga qeyb qaato gargaarka dadka Soomaaliyeed ee ay waxyeeladu kasoo gaartay Qaraxii Zoobe.

Midowga Yurub ayaa sidoo kale sheegay in Maraakiibta dagaalka ee ku sugan Xeebaha Soomaaliya ee Midowga Yurub in ay si wanaagsan uga qeyb qaateen Gurmadka dadka Soomaaliyeed Markii uu dhacay Qaraxa.

Dhinaca kale, warbixin kooban oo ay soo saartay dowladda Somalia ayaa lagu sheegay in guud ahaan khasaaraha Qaraxa uu yahay 642 qof, dhimashaduna ay tahay 358 qof, halka ay ku dhaawacmeen 228 qof.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com