Washington (Caasimada Online) – Maamulka madaxweyne Donald Trump ayaa dib u soo celinaya sharci u oggolaan kara dowladda Mareykanka inay Green Card-ka u diiddo muhaajiriinta isticmaala qaar ka mid ah adeegyada bulshada, oo ay ku jiri karaan kaalmada cuntada, kaarka caafimaadka Medicaid, guryaha la kabo iyo barnaamijyo kale.
Siyaasaddan, oo loo yaqaan “public charge”, ayaa Khamiistii lagu soo bandhigay diiwaanka rasmiga ah ee dowladda federaalka, waxaana si buuxda loo daabici doonaa 20-ka July. Hay’adda Adeegyada Jinsiyadda iyo Socdaalka Mareykanka ee USCIS ayaa sheegtay in sharcigu dhaqan geli doono 18-ka September.
Marka uu hirgalo, dadka codsanaya deggenaanshaha joogtada ah waxaa laga doonayaa inay muujiyaan inay awoodaan inay naftooda dhaqaale ahaan masruufaan, isla markaana aysan culeys ku noqon doonin dowladda.
Sharcigan ayaa markii ugu horreysay la dhaqan geliyay bishii February 2020, xilligii maamulka koowaad ee Trump, wuxuuna qeyb ka ahaa tallaabooyin lagu xaddidayay socdaalka sharciga ah ee Mareykanka.
Madaxweynihii isaga beddelay ee Joe Biden ayaa markii dambe meesha ka saaray siyaasaddaas, balse maamulka Trump ayaa hadda dib u soo celinaya xilli uu adkeynayo siyaasadaha ka dhanka ah socdaalka sharci-darrada ah iyo kan sharciga ahba.
Soo laabashada sharcigan ayaa sidoo kale ku soo aadeysa xilli ay sare u kacayaan qiimaha cuntada iyo adeegyada caafimaadka, taas oo saameyn ku yeelan karta qoysaska muhaajiriinta ah ee ku tiirsan kaalmada dowladda.
Dowladda oo ku baaqday isku-filnaansho
USCIS ayaa sheegtay in dib u soo celinta sharcigu ay xaqiijineyso in dadka u soo guuraya Mareykanka ay awoodaan inay isku filnaadaan, halkii ay ku tiirsanaan lahaayeen taageerada dowladda.
“Dowladda federaalka waxay dib u xaqiijineysaa shuruudda isku-filnaanshaha, waxay ilaalineysaa hantida dadweynaha, waxayna soo afjareysaa siyaasado dhiirrigeliyay ku-tiirsanaanta canshuur-bixiyeyaasha Mareykanka ee sida adag u shaqeeya,” ayay USCIS ku sheegtay qoraal ay ku daabacday barta X.
Hay’addu waxay intaas ku dartay: “Inta uu Madaxweyne Trump joogo, USCIS waxay dib u soo celinaysaa mabda’a aasaasiga ah ee ah in muhaajiriintu ay awoodaan inay naftooda masruufaan.”
Sharciga federaalka ayaa horey dadka doonaya deggenaanshaha joogtada ah ama sharci kale uga dalbanayay inay caddeeyaan inaysan noqon doonin culeys dhaqaale oo saaran dowladda.
Hase yeeshee, sharciga maamulka Trump ayaa ballaarinaya noocyada kaalmada bulshada ee loo tixgelin karo marka dowladda ay go’aan ka gaareyso codsiga Green Card-ka.
Taas waxay ka dhigan tahay in isticmaalka barnaamijyo badan oo dowladda maalgeliso uu saameyn ku yeelan karo qiimeynta codsadaha, inkastoo qoraalka la bixiyay uusan faahfaahin ka bixin sida kiis kasta loo go’aamin doono.
Saameynta muhaajiriinta sharciga ah
Dib u soo celinta siyaasaddan waxay qeyb ka tahay olole ballaaran oo maamulka Trump ku adkeynayo sharciyada socdaalka.
Inkasta oo tallaabooyinka maamulka inta badan diiradda lagu saaray masaafurinta, fulinta sharciyada socdaalka ee magaalooyinka iyo xoojinta kontaroollada xuduudaha, haddana dowladda ayaa sidoo kale qaaday tallaabooyin saameynaya muhaajiriinta sharciga ah iyo qoysaska ay xubnahoodu haystaan xaalado sharci oo kala duwan.
Maamulka Trump ayaa markii ugu horreysay sharcigan soo bandhigay sanadkii 2018, isaga oo ku dooday in loo baahan yahay in Mareykanka ay yimaadaan oo keliya dadka awooda inay dhaqaale ahaan isku filnaadaan.
Dadka u dooda xuquuqda muhaajiriinta ayaa, hase yeeshee, ku dhaliilay siyaasadda, iyaga oo ku tilmaamay “imtixaan lagu kala saarayo dadka hantida leh iyo kuwa saboolka ah.”
Khubarrada caafimaadka dadweynaha ayaa sidoo kale ka digay in sharcigu sababi karo natiijooyin caafimaad oo ka sii xun, maadaama dadka qaar ay ka baqi karaan inay adeegyo caafimaad ama kaalmo kale dalbadaan.
Ururrada aan dowliga ahayn ayaa sheegay in siyaasaddii hore ay abuurtay jahwareer iyo cabsi baahsan, taas oo sababtay in muhaajiriin badan iyo qaar ka mid ah qaraabadooda Mareykanka ku dhalatay ay iska dhaafaan kaalmooyin iyo adeegyo ay sharci ahaan xaq ugu lahaayeen.
Dadka kasoo horjeeda sharciga ayaa ka cabsi qaba in xaaladdaas ay dib u soo laabato, iyadoo qoysas badan ay dooran karaan inay ka fogaadaan adeegyada muhiimka ah, xitaa marka isticmaalka adeegyadaas uusan si toos ah u dhaawaceyn codsigooda socdaalka.

