26 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Dowladda Mareykanka oo hadal culus ka soo saartay xil ka qaadistii SAACID

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka, ayaa ka hadashay go’aankii uu isniintii tagtay qaatay baarlamanka Somalia, ee uu codka kalsoonida kagala noqday ra’iisu wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.

Ergeyga Gaarka ah ee Mareykanka u Qaabilsan Soomaaliya James P. McAnult ayaa qoraal kooban kasoo saaray mooshinkii lagu riday Ra’iisal wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.

“Dowladda Mareykanka waxaay mar walba taagero la garab taagantahay umadda Soomaliyeed iyo Dowlada Federaalka ee Soomaaliya dadaalkooda ay ugu jiraan xasilinta iyo maamulida wadanka. Waxaan rajeeyneynaa in uu Madaxweyne Xassan Sheikh Maxamuud si deg deg ah usoo magacaabo Ra’iisal Wasaare ku shaqeyn doona sida ku cad dastuurka ku meel gaarka ah, isla markaana taageero ka haysta umadda Soomaaliyeed. Xulida iyo magacaabista Ra’iisal Wasaaraha cusub waa in ay waafaqsanaataa dastuurka ku meelgaarka ah ee Soomaliya.”

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News