26.1 C
Mogadishu
Tuesday, December 30, 2025

Dowladda Masar oo caddeysay inay Soomaaliya ka taageerayso…

Bookmark
Bookmarked

Share

Moscow (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa la kulmay dhiggiisa Masar, Dr. Badr Abdelatty, kaas oo dhacay inta uu socday madasha iskaashiga Ruushka iyo Afrika.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo ballaarinta iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, horumarinta, maalgashiga iyo amniga, iyadoo labada dhinacba adkeeyeen muhiimadda ay leedahay iskaashi wax ku ool ah oo ka qayb qaata xasilloonida iyo horumar waara.

Wasiir Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa soo dhaweeyay taageerada joogtada ah ee Masar ay siiso Soomaaliya, wuxuuna adkeeyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta iskaashiga kala dhexeeya Qaahira, gaar ahaan dhinacyada diblomaasiyadda, amniga iyo dhisidda awoodda hay’adaha.

Sidoo kale, wuxuu muujiyay muhiimadda ay leedahay isku-duwidda dadaallada heer gobol si loo xaqiijiyo nabad iyo xasillooni waarta.

Dhankiisa, Dr. Abdelatty ayaa xusay horumarka wanaagsan ee xiriirka Masar iyo Soomaaliya, wuxuuna mar kale adkeeyay ballan-qaadka Masar ee ku aaddan xoojinta iskaashiga istiraatiijiga ah.

Wuxuu tilmaamay in dib-u-dejinta xarunta Safaaradda Masar ee Muqdisho ay fududeyn doonto wada-shaqeyn diblomaasiyadeed oo dhow iyo isku-duwid ka sii wanaagsan oo u dhexeysa labada dal.

Sidoo kale wuxuu sheegay in ay si dhow ula shaqeyn doonaan ciidamada amniga ee Soomaaliya, si guul looga gaaro nabadeynta dalka.

Masar ayaa qeyb ka ah howl-galka Midowga Afrika ee AUSSOM oo xaqiijinaya amniga guud ee Soomaaliya.

Intii kulanka socday waxaa sidoo kalr lagu falanqeeyay xaaladaha amniga ee gobolka, iyadoo Masar mar kale caddeysay taageeradeeda ku aaddan xasilloonida Soomaaliya iyo Geeska Afrika, isla markaana adkeysay baahida loo qabo maalgelin caalami ah oo joogto ah si loo taageero hawl-galka AUSSOM, si loo hubiyo waxtarkiisa.

Labada wasiirba waxay carrabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga la-dagaallanka argagixisada iyo xagjirnimada rabshadaha wata, iyagoo ku baaqay in la xoojiyo iskaashi heer gobol iyo mid caalami ah si wax looga qabto khataraha ku wajahan nabadda iyo amniga gobolka.

- Advertisement -

Read more

Local News