29.9 C
Mogadishu
Sunday, November 16, 2025

DF Soomaaliya oo qaadaysa tallaabo ay si weyn u sugayeen dadka magaalada Muqdisho

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qorsheynaysa in dib loo furo in ka badan 100 waddo oo muddo dheer xirnaa gudaha magaalada Muqdisho.

Waddooyinkan ayaa horay loo xiray muddo ka badan toban sano, iyada oo la tilmaamay in sababo amni darteed loo hakiyay isu socodkooda. Sida qorshuhu yahay, labada todobaad ee soo socda ayaa lagu wadaa in la billaabo hawsha dib u furista waddooyinkan.

Talaabadan ayaa la rumeysan yahay in ay wax weyn ka tari doonto saxmadda gaadiidka iyo isku socodka dadka, iyadoo sidoo kale lagu horumarinayo adeegyada ay bulshadu u baahan tahay.

Golaha Wasiirrada oo maanta isugu yimid kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa warbixin ka dhageystay guddiga loo xilsaaray xal u helidda saxmadda waddooyinka Muqdisho.

Warbixinta guddigu waxay si gaar ah diiradda u saartay caqabadaha ugu waaweyn ee hortaagan dhaq-dhaqaaqa magaalada iyo saameynta ay leedahay xirnaanshaha waddooyinka.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa sanadkan magacaabay guddi si gaar ah u eegaya xaaladda saxmadda Muqdisho, kadib cabashooyin ay muujiyeen shacabka ku dhaqan caasimadda.

Guddigu wuxuu sheegay inay xiran yihiin in badan 60% waddooyinka magaalada, taasoo sababtay ciriiri baaxad leh oo ka dhashay baahida loo qabo waddooyin furan oo suurtagelin kara isu socodka dadka iyo gaadiidka.

Dowladda Federaalka iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa iska kaashan doona hirgelinta qorshahan, iyadoo la filayo in uu wax ka beddelo nolosha maalinlaha ah ee dadka ku nool caasimadda.

Si kastaba, tallaabadan ayey muddo badan sugayeen shacabka reer Muqdisho o iyagu dhibaatooyin badan ku qabay xirnaanshaha waddooyinkan oo muhiim u ah isku socodka gudaha caasimadda, isla markaan wax ka tari doona jaamka badan ee ka jira magaalada.

- Advertisement -

Read more

Local News