Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa culimo gaar ah geysay furimaha hore ee dagaalka, halkaasi oo ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay ka wadaan howl-gallo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.
Sida uu shaaciyay Madaxweynaha Soomaaliya, markii ugu horreysay ciidamada xoogga dalka ayaa lagu kabay tiro culimo oo ka mid noqda, si ay uga wacyi geliyaan ciidanka dhaqannada aan wanaagsanayn.
Xasan Sheekh ayaa culimada ku bogaadiyey doorka ay ka qaadanayaan wacyi-gelinta bulshada, ka hortagga afkaaraha xagjirnimada iyo xoojinta midnimada ummadda Soomaaliyeed.
Sidoo kale wuxuu xoojiyay muhiimadda ay leedahay in si joogto ah loo xoojiyo iskaashiga dowladda iyo culimada, isagoo xusay in dhaqanka Soomaaliyeed iyo dowladnimaduba ay ku tiirsan tahay talo, hagid iyo baraarujin
Culimada Soomaaliyeed ayaa sanadihii dambe si weyn uga qeyb qaadanayay dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, iyagoo si mideysan u shaaciyay in dagaalka lagula jiro kooxda uu yahay waajib diini ah (Jihaad) isla markaana ay kooxdaasi tahay Khawaarij.
Marka laga yimaado dagaalka tooska ah, sidoo kale kan fikriga ah waa mid muhiim ah, maadaama kooxda lala dagaalamayo ay ku ganbaneyso fikir diimeed, oo inta badan ay ku qaldaan dhalinyarada taabacsan.

