25.6 C
Mogadishu
Sunday, December 28, 2025

Dowladda Soomaaliya oo dalab toos ah u dirtay hoggaanka Israel

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa si adag u cambaareeyay go’aanka Israa’iil ay ku sheegtay inay aqoonsatay Somaliland.

Wasiirku wuxuu tallaabadaas ku tilmaamay mid gardarro ah, sharci-darro ah, isla markaana si toos ah dagaal qaawan ugu ah midnimada iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale, wuxuu caddeeyay in madax-bannaanida, wadajirka dhuleed iyo qarannimada Soomaaliya ay yihiin arrimo lama taabtaan ah oo aan marnaba gorgortan geli karin, taas oo waafaqsan Dastuurka Qaranka, qaraarrada Baarlamaanka, iyo hadalladii Madaxweynaha Jamhuuriyadda.

Waxaa la sheegay in go’aankan uu khatar ku yahay amniga gobolka, gaar ahaan Marinka Badda Cas, Gacanka Cadmeed iyo Bariga Dhexe, isla markaana uu dhiirrigelin karo xagjirnimo iyo argagixiso, taas oo lid ku ah xasilloonida caalamka.

Dowladda Soomaaliya waxay si rasmi ah Israa’iil uga dalbatay inay ka laabato go’aankan, iyadoo ballan-qaaday inay qaadi doonto tallaabooyin diblomaasiyadeed oo ku habboon si loo difaaco madax-bannaanida iyo midnimada dalka.

Ugu dambayntiina, Wasiirku wuxuu xusay in wada-hadallada u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland ay sii socon doonaan, si xal Soomaali u gaar ah, nabadeedna loogu helo arrimaha jira, iyadoo laga fogaanayo faragelin dibadeed.

Aqoonsiga Israa’iil ee 26-kii December oo noqday kii ugu horreeyay ee uu sameeyo dal xubin ka ah Qaramada Midoobay, ayaa dhaliyay cambaareyn degdeg ah oo uga timid Soomaaliya, taas oo tallaabadaas ku tilmaantay sharci-darro iyo waxba kama jiraan, waxayna wacad ku martay inay kula dagaallami doonto waddooyin diblomaasiyadeed iyo kuwo sharci ah.

Falcelinta arrintan ayaa si degdeg ah ugu fiday ururada gobolka iyo caasimadaha muhiimka ah. Midowga Afrika ayaa si cad u diiday aqoonsi kasta oo la siiyo Somaliland, isagoo ka digay in tani ay noqon karto raad cusub oo xasillooni darro gelin kara nidaamka xuduudaha qaaradda.

Falcelinta Carabta iyo Khaliijka ayaa iyana noqotay mid adag. Sacuudi Carabiya iyo Qatar ayaa si xooggan u diiday go’aanka Israa’iil, iyagoo ku biiray dhinacyada kale ee gobolka ee taageeray midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Sidoo kale Midowga Yurub ayaa isna qeyb ka noqday cambaareysta xad-gudubka Israa’iil. Si kastaba, Somaliland, oo ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya sannadkii 1991-kii, isla markaana samaysatay hay’ado dowladeed iyo ciidamo u gaar ah, ayaa muddo dheer raadinaysay aqoonsi caalami ah, balse waxay ku jirtay xaalad hubanti la’aan ah dhanka diblomaasiyadda.

Go’aanka Israa’iil ayaa Hargeysa looga dabaal-degay inuu yahay guul weyn oo waddada u furi karta sharciyad ballaaran iyo maalgashi shisheeye, inkastoo iska-caabbinta gobolka ay weli xooggan tahay.

- Advertisement -

Read more

Local News