Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa baaritaan ku bilaawday dhamaan xoolahii dhawaan laga soo celiyay dalka Sacuudiga.
Xoolahaasi ayaa waxaa dowlada Sacuudiga ay sheegtay iney ka heshay cuduro sababay inay joojiso xoolihii kale ee ay ka iibsan jirtay dalka Soomaaliya.
Wasiirka Xanaanada xoolaha Soomaaliya Saciid Xuseen Ciid, ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ay xaqiijin doonto hadalka dowlada Sacuudiga.
Sidoo kale wuxuu sheegay in baaritaanka natiijada kasoo baxda ay soo bandhi doonaan si loo ogaado jiritaanka cudurada laga sheegay xoolaha Soomaaliyeed.
Wasiirka ayaa sheegay in ay u xil saareen arintaasi Guddi ,islamarkaana wax badan laga qaban doono arintaasi.